Erey In Aad Tidhaahdaa Waa Ay Fududahay, Laakiin Waxaa Adag In Aad Dhaydo Nabarrada Uu Geysto Ereygaagu

33
4382


Hargeysa (Geeska)- Xikmadaha ku jira afka carabiga waxaa ka mid ah tan uu maanta Geeska Afrika akhristayaashiisa la wadaagayo oo ka warramaysa, dhibaatada ay leedahay in aad carrabkaaga xakamayn weydo iyo sida aanay suurtagal u ahayn in dhaawac uu geystay erey aad tidhi, aad dib u bogsiiso, waxa aanay sheekadu u dhacday sidan;
Beri baa nin uu saaxiibkii oo ay aad isu jeclaayeen erey xanaf leh oo qalbigiisa dhaawacay ku yidhi. Muddo dheer ayaa uu ninkii ka xumaa ereygaas afkiisa soo maray iyo dhaawaca uu saaxiibkii gaadhsiiyey. Fikir iyo walbahaar badan kaddib waxa uu garwaaqsaday in ay lagama maarmaan tahay in uu saaxiibkii raalli gelin buuxda siiyo, waxa se uu ka fikiray in raalligelintaasi ay noqoto mid intii suurtagal ah qalbiga saaxiibkii ka tirtirta ereygaas uu ku yidhi ee gefka ahaa. Si uu taas u helana waxa uu go’aansaday in uu la tashado qof ehel xikmadeed ah oo ka caawiya.
Waxa uu u tegey nin waayeel ah oo xikmad badan lagu ogaa, waxa aanu uga warramay wixii dhacay iyo waxa uu hadda doonayo.
Ninkii waayeelka ahaa waxa uu ninkii kula taliyey in uu soo ururiyo kiish baal shimbireed ah, kaddibna inta uu tuulada la dhexgalo uu guri kasta kaddinkiisa ku taago xabbad ka mid ah baalka shimbiraha ee uu soo urursaday.
Shaqo aad u dhib badan ayaa ay ahayd, waxa se kaga sii dhib badnaa xanuunka ay ku haysto dhibaatada uu ereygiisii u geystay saaxiibkii. Sidii ayaa uu yeelay oo inta uu baalal aad u tiro badan soo guray ayuu guri kasta albaabkiisa mid sudhay. Isaga oo waxoogaa faraxsan, oo isu arka in uu maanta waayeelkii ka soo qaadi doono dawadii qalbiga saaxiibkii bogsiinaysay, ayaa uu u yimid odaygii, una sheegay in shaqadii uu soo dhammeeyey.
Ninkii waayeelka ahaa waxa uu u sheegay in taasi ay ahayd uun wejigii koowaad ee hawsha laga rabo in uu qabto, isaga oo cadho iyo naxdini dareenkiisa ku jiraan, hase ahaato ee weli ku qanacsan in dhibta saaxiibkii uu u geystay ay ka weyntahay wax kasta oo kale oo soo gaadha ayaa uu weydiiyey, ‘bal waxa ay tahay tallaabada labaad ee laga rabo in uu sameeyaa.’
Ninkii waayeelka ahaa waxa uu ugu jawaabay, “Dib ugu noqon dhammaan guryihii oo dib inoogu soo ururi baalkii aad albaabkooda sudhay”
Ninkii ayaa mar kale isku sii daayey guryihii tuulaha si uu albaabadooda uga soo furto baalkii, maxaa se uu la kulmay? Baalkii uu albaabada sudhay waxa uu noqday’ wax dabayli qaadday iyo wax dadkii guryaha lahaa inta ay albaabadooda ka qabteen xashiishka raaciyeen, marka laga reebo tiro aad uga yar tii uu haystay oo uu ugu tegey albaabadii ama dhulka aan ka fogeyn oo ay ku dhaceen. Ninkii isaga oo aad u niyadxun ayaa uu dib ugu soo noqday odaygii oo uu u sheegay waxa dhacay. Odaygii inta uu ninkii fadhiisiyey ayaa uu ku yidhi, dhegeyso haddaba, “Erey kasta oo afkaaga ka soo baxayaa waa sida baalkaas shimhiraha, waa ay fududahay in aad tidhaahdaa, laakiin waa ay adag tahay in aad dib u bogsiiso dhaawacii uu geystay”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here