Erdogan Oo Markii 3aad Somaliya Yimi, Kana Furay Safaaradda Ugu Weyn Ee Turkigu Afrika Ku Yeelanayo

0
558

Hargeysa (Geeska)-Madaxweynaha Dalka Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa Shalay safar ku tagay  Somaliya, isaga oo xadhiga ka jaray Safaaradda dalka Turkiga oo ku taala magaalo madaxda Somaliya ee Muqdisho.

dddd

Madaxweyne Erdogan ayaa iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa waxaa soo dhoweeyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo masuuliyiinta kala duwan ee Somaliya, waxaana markii uu diyaaradda ka soo degay uu salaan sharaf ka qaatay cutub ka tirsan Ciidamada  Somaliya, safarka Madaxweynaha Turkiga ee Muqdisho ayaa waxa uu keenay in Amaanka magaalada Muqdisho aad loo adkeeyo.

Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Ordugaan oo ujeedada socdaalkiisina ahaa inuu xadhiga ka jaro Safaaradda Dalka Turkiga ee Somaliya oo ah Safaaradda ugu balaadhan ee uu Adduunka ku leeyahay, ayaa ayaa markii uu xadhiga ka jaarayey Safaaradda  waxa uu ku bilaabay hadalkiisi bismilaah, waxaanu xafladda furitaanka uu ka sheegay in Soomaaliya uu markale dib ugu soo laabandoono, islamarkaana uu xadhiga ka jari doono mashaariic kala duwan oo ay Wadanka Turkigu ka hirigeliyey  Soomaaliya,

Dhanka kale Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Ordugaan ayaa ah Madaxweynaha qudha ama masuulka qudha ee xilka ugu sareeya ee dawladnimo haya ee  Somaliya yimid, isaga oo markii saddexaad yimid, halka   sanadkii 2011 uu ahaa markii u horeysay uu yimaado, xilligaas oo Soomaaliya ku dhufteen abaaro, waxaana xusid mudan in Madaxweyne u soo badheedhin inuu safar ku yimaado Somaliya tan iyo wakhtigii ay Somaliya burburtay, balse Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Ordugaan  inuu yimaado uu u soo badheedhay, si toos ahna uu yimid.