Duruusta Ku Laaban Habnololeedka Qudhaanja Iyo Mucjisada Ku Jirta Dawladnimadeeda (Qaybta 3aad)

31
3139

Hargeysa (Geeska)- Qayb kale oo ka mid ah qormadii aynu ku eegaynay qaar ka mid ah habdhaqannada iyo dabeecadaha maamul ee qudhaanjada:

Digniin dabiici ah oo ay khatarta iskaga ilaaliso

Cilmibaadhis cusub ayaa lagu ogaaday in qudhaanjada iyo qaar ka mid ah xasharaadka ciidda ku hoos nooli ay leeyihiin digniin abuur ah oo ay ku gartaan dhulgariirka fog ee aan weli si rasmi ah ugu dhufan dhulka ay ku nool yihiin. Arrintaas ayaa u sahasha in ay marar badan ka badbaaddo dhulgariirka, oo ay dhaqso godadka uga soo baxdo, si aanay ugu aasmin, isla markaana ay intii awooddeeda ah ka fogaato meelaha ay khatarta dhulgariirku ku badan tahay.

Saynisyahanno ka tirsan jaamacadda Ruhr oo ku taalla magaalada Bochum ee dalka Jarmalka ayaa baadhis ay ku sameeyeen qudhaanjada cad ee ku nool koonfur Afrika waxa ay ku ogaadeen in qudhaanjadu ay leedahay dareen aad u feejigan oo ku jira lugaheeda, kaas oo ay ku garato dhulgariirka dhulka hoostiisa ka soo dhaqaaqaya iyo jihada uu kaga imanayo. Bare-sare Wolfgang Kirchner, oo ku takhasusay cilmiga noolaha (Bayooloji), kana mid ahaa cilmibaadhayaasha daraasaddan sameeyey ayaa sheegay in marka ay qudhaanjadu dareento dhulgariirka soo socda, iyo marka uu dhulgariirkaasi dhulka oogadiisa ku dhufto uu u dhexeeyo waqti yar oo lagu qiyaasay ilbidhiqsi loo qaybiyey 10 kun oo qaybood, qayb ahaan. Laakiin haddana waqtigaas yari waxa uu qudhaanjadan ugu filnaadaa in ay iska badbaadiso khatartan. Iskaashi

Nidaamka yaabka leh ee qudhaanjada waxaa ka mid ah iskaashiga bulsho ee ay ka leedahay arrimaha nolosheeda iyo dhismaha boqortooyadadeeda khuseeya. Waxaa tusaale dhow inoogu filan sida ay isaga kaashato qaadista waxyaabaha culus ee ay cuntada ka dhiganayso.

Kala warqaadasho

Qudhaanjadu waxa ay leedahay nidaam isgaadhsiineed oo ay isugu wargeliso khatarta jirta iyo xitaa mararka qaarkood xalka ku habboon. Waana sababta keenta in qudhaanjo saf dheer ku jirtay oo laga yaabo in ay cunto sidday, ay mar keliya beddesho jihadi ay ku socotay, kaddib marka ay u timaaddo qudhaanjo ka timi dhanka uu geeddigu u socdo. Taas oo ay culimadu kala soo baxeen in qudhaanjada timi ay sidday digniin khatareed oo laga yaabo in ay jidka ku soo aragtay.

Waxaa xiise leh sida dhaqsaha ay qudhaanjadu ugu go’aan qaadato warka uga yimi qudhaanjada ka hor timi, iyada oo marar badan la arko in qudhaanjo kale oo u timi iyaduna ay keento war kale oo qasab ka dhigaya in haddana jihadi loo baydhay la beddelo. Qudhaanjada kolinyada ahayd iyo tii marka hore keentay digniintii khatarta ee darteed jihada loo beddelay, midkoodna kama hor yimaaddo go’aanka ka dhalanaya warka ka yimi qudhaanjadan cusub, xitaa haddii labada war is xigeen. Taas oo calaamad u ah khilaaf la’aanta iyo kalsoonida u dhexeysa bulshada qudhaanjada. Dhammaad

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here