Dumarka Japan Ayaa Dunida Ugu Qaylo Dheer, Laakiin Dhaqankooda Waa Ku Qurux, Kuwa Iskandaneefiyaanka Ayaana Ugu Cod Gaaban, Sababtuna Waa Ragga Lala Simay

Published on Jan 28 2018 // Googooska Geeska

Berlin (Geeska)- Cilmibaadhayaal ka tirsan jaamacadda Leipzig ee dalka Jarmalka ayaa baadhis ku sameeyey dhawaqa dheer ee ay samayn karaan ragga iyo dumarku, iyaga oo tijaabo ku sameeyey 2500 oo ah rag iyo dumar caafimaad qaba oo da’doodu u dhexeyso 40 illaa 80 ruux, waxa aana u soo baxday natiijo aanay filayn, oo muujinaysa in labaatankii sano ee u dambeeyey aanu dhawaqa codka abuurka ah ee raggu aanay waxba iska beddelin, halka codka dumarka uu ku dhacay isbeddel dhawaqiisii uu kala badh hoos uga dhacay heerkii uu ahaan jiray.

War uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda wararka ee Huffington Post  ayaa intaas ku daraya in raggu ay celcelis ku hadlaan 110 Hertz laakiin halka dumarkuna ay ka yihiin 168 Hartz, laakiin labaatan sano ka hor lagu ogaa in uu dhawaqoodu yahay 220 Hartz.

Waa arrin dabiici ah in marka muddo la joogaba la arko in ay wax iska beddeleen qaabdhismeedka iyo calaamadaha la midka ah ee abuurkooda la xidhiidha. Isla cilmibaadhayaasha daraasaddan sameeyey ayaana ogaaday in boqolkii sano ee u dambeeyey uu dadka Jarmalka ay ku dhaceen isbedello dhinaca abuurta ah, oo tusaale ahaan la ogaaday in qaro / dhumuc uu ku dhacay isbeddel ah in ay intii hore ka qaro weynaadeen, kana miisaan bateen. Waxa aanay cilmibaadhayaashu sheegeen in ay suurtagal tahay in isbeddelkaas dhinaca qarada ah ee dadka Jarmalka ku dhacay uu saamayn ku yeeshay codka dumarka. Laakiin xeeldheereyaal ka soo horjeeda in la isku xidho isbeddelka abuurta ah ee dadkan ku dhacay iyo codkooda ayaa ku dooday sababta aanu codkaasi si isku mid ah ragga iyo dumarka u saamayn.

In kasta oo aanay jirin xidhiidh cilmi ahaan la xaqiijiyey oo ka dhexeeya isbeddelka xajmiga qofka iyo codkiisa, haddana cilmibaadhayaasha daraasaddan sameeyey waxa ay aad u aaminsan yihiin in ruuxda casrigan jirtaa ay saamayn ku yeelatay codka dumarka, waxa aanay noloshaas casriga ah tusaale ugu soo qaateen kaalintii ay gabadhu ku lahayd nolosha qoyska iyo bulshada oo wax badani iska beddeleen muddooyinkan dambe. Waxa kale oo isna ay xuseen in isbeddelka dhaqanka bulshooyinka dunidu uu saamayntiisa yeelan karo, oo tusaale ahaan dadkii hore ee reer Yurub iyo meelo badan oo dunida ka mid ah, waxa ay dhaqan ahaan aaminsanaayeen in dhawaqa dheeri uu ka mid yahay calaamadaha quruxda iyo dhamaystirnaanta gabadhnimadeeda.

Saamaynta dhaqanku ku leeyahay codka

Codka dheer ula kac iyo dhaqan midka uu doonaba ha ahaado ee, waxa uu si aad ah ugu xidhan yahay dhaqanka bulsho. Wargeyska Berliner Zeitung ayaa ka soo xigtay Michael Fox oo bare-sare ka ah jaamacadda Leipzig, isla markaana hoggaaminaye cilmibaadheyaasha daraasaddan sameeyey in uu yidhi, “Dumarka Jabbaan ayaa ugu cod dheer, dumaryowga dunida oo dhan, weliba dhaqan ahaan, codka dheer ee haweenku waa calaamad muujinaysa qurux iyo gabadhnimo aan wax loo dhigaa jirin” Dhinaca kalana dumarka dalalka Iskandaneefiyaanka ayaa lagu tilmaamaa kuwa ugu codka gaaban dumarrada dunida, arrintaas oo ay cilmibaadhayaasha qaarkood ku sababeeyeen, dalalkaas oo ay si aad u xoog badan uga jirto qadiyadda sinnaanta ragga iyo dumarku in ay sababtay in dumarku ay dhaqankan codka gaaban ka bartaan ragga.

 

Leave a comment

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!
<-- START OF NEWGAIN GA CODE--> <-- END OF NEWGAIN GA CODE-->