Dr. Maxamed-Rashid Oo Si Xirfadaysan Ugu Jawaabay Ismaacil Buubaa

1
996

maxamed

 

Hargeysa(Geeska)-La Taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee dhinaca aqoonsi raadinta iyo xidhiidhka caalamiga ah Dr. Maxamed Rashiid Sheekh Xasan, ayaa si adag u uga jawaabay hadal ka soo yeedhay Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa) oo uu kaga hadlay arrimaha Somaliland.

Dr. Maxamed-Rashid, oo isagoo jooga magaalada London shalay u waramay idaacadda VOA,  wuxuu yidhi  “Ismaaciil Buubaa anigu fikirkaa lama qabo, ismaaciil anigoo ixtiraam u haya, fikradiisana waa la ogyahay, masuuliyada uu yidhi, dadka Soomaaliyeed bay saaran tahay tusaale ahaan Somaliland oo kale Horta dadka Soomaaliyeed ee geeska Africa ku nooli qolo waliba meel bay ku nooshahay, dadka Soomaalida Itoobiya maslan hab wanaagsan bay hada wataan, nabadii bay ku soo noqdeen oo niman dhalinyaro ah oo wanaagsan baa u taliya sidaas ayay taariikhdoodii ku socotaa. Sidoo kale nimanka jooga Kenya ee Faarax Macalin Iyo ay ka mid yihiin waxay ku socdaan iyaguna tub wanaagsan oo dadkaas ayay wax la qaybsadeen. Jabuuti waa tan doorashadii ugu dambaysay sida wanaagsan loo kala baxay, markaa horta dadka Soomaaliyeed ee geeska Africa jooga Somaliland iyadoo Somaliland ah ayay ixtiraam u haysaa dadka Soomaaliyeed.”

Maxamed Rashiid Sheekh Xasan waxa uu ku dooday in Somaliland ay tahay iftiin ka jira geeska Afrika oo ku dayasho mudan waxaanu yidhi “Runtii Somaliland arkayaa in Somaliland ay tahay tusaale iyo iftiin geeska Africa ka jira oo dadka kale ee Soomaalida ah ay ku waajib tahay inay tahniyadeeyaan oo av yidhaahdaan nabad baad keenteen, khibrad dawladnimo oo wanaagsan baad keenteen maanta inatayda kalena waxa wanaagsan inaanu idinku dayano, deeqsinimadii Soomaalida lagu yaqaanay iyo dhaqankoodiina sidaas ayuu ahaa.”

“Hadaan soo qaado Ismaaciil Buubaa macalinkayagiina wuu ahaa, waxaad moodaa inuu taariikhdii hore uun uu doonayo inuu ka dhigo fikrad cusub, Somaliland labaatan sanadood bay ka soo gudubtay inay ka hadasho arrinta Somalia, Somalia waxay uga soo gudubtay Ismaaciil wuu ogyahay, markaa Somaliland ayaa maanta annaga noo ah, taas ayaana ummada Somaliland ee geeska Africa joogtaa halkaa inay ku noolaato, sidii aan hore u sheegayna wixii la iskugu tagay Ismaaciilna wuu ogyahay, waxay Somaliland ka dagaalantayna wuu og-yahay oo taariikhda Somaliland wuu ku jiraa,”ayuu yidhi La Taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha aqoonsi raadinta.

Prof. Maxamed Rashiid waxa uu Ismaaciil Buubaa oo ka mid ah dadka Somaliland ka soo jeeda haddana aaminsan fikrada Soomaali weyn wuxuu yidhi “Anigu waxaan ku odhan lahaa Ismaaciil Buubaa eray kaftana isaga iyo rag kale yaanay Biyaha Hargeysa idin qabane’e ku soo noqda oo kaalaya wadanka nala dhisa”.

Comments are closed.