Dibnuhu Waxa Ay U Baahan Yihiin In Laga Ilaaliyo Fallaadhaha Qorraxda … Sabab?

66
3900

Berlin (Geeska)- Si aynu dibnaheenna uga ilaalinno gubitaanka qorraxda waxaa muhiim ah in aynu isticmaalo dawooyinka dibnaha la marsado ee loo isticmaalo daryeelka caafmaadkooda iyo quruxdooda. Majaladda Freunden ee ka soo baxda jarmalka ayaa warbixin caafimaad oo dhowaan lagu qoray, waxa ay sheegtay in xeeldheereyaashu ay ogaadeen in dibnuhu ay u baahan yihiin daryeel gaar ah, oo lagaga ilaalinayo fallaadhaha qorraxda, gaar ahaan xilliga jiilaalka, si aanay u yeelan gubasho iyo nabarro qorraxda ka yimi, taas oo haddii ay dhacdo qofka gelinaysa khatarta ah in uu kansarka maqaarku ku dhaca.

Majaladdan oo arrimaha caafimaadka ka faallootaa waxa ay intaas ku dartay in sababta ay fallaadhaha qorraxdu dibnaha u dhibayaan ay tahay dibnaha oo la ogyahay in aanay marka horeba soo saarin maadadda midabbeeyaha ah ee Melanin, sidaa awgeedna aan yeelan midab la mid ah midabka caadiga ah ee jidhka intiisa kale.

Dhinaca kalana waxa ay sheegeen in dhaawacyada ay fallaadhaha qorraxdu gaadhsiiyaan dibnaha waxaa ka mid ah dhaawacyo gubniin ah, barar iyo in dhiigroor iyo nabarro yaryar uu isku arko. Haddaba si dibnaha looga ilaaliyo dhaawaca caafimaad ee kaga imanaya fallaadhaha qorraxda waxaa muhiim ah in rag iyo dumarba la isticmaalo xamuuradaha dawada ah ee dibinta ka ilaaliyo dhibaatadan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here