Dhulka WFP Oo Sabab U Noqon Kara Dhaawac Soo Gaadha Xidhiidhka Somaliland La Leedahay Qaramada Midoobay

0
551

Hargeysa(Geeska)-Odayaal iyo waxgarad reer Hargeysa ah ayaa shirjaraa’id oo ay Salaasadii qabteen waxa ay ku sheegeen in dawladda Hoose ee Hargeysa ay nin ganacsade ah ka iibisay dhul afar baloog ah oo uu maamulkii Daahir Rayaale Kaahin, gaar ahaan maayarkii Hargeysa ee hore Mr. Jiciir siiyay hay’adda Qaramada Midoobay ee WFP.

1

Dhulkan oo ay odayaashan iyo dhallinyaradan oo ay masuuliyiin xukuumadda ka tirsani ku jireen, ku dul qabteen shirkooda jaraa’id ayaa waxa ay hay’adda WFP ku samaysatay sees dheer oo adag oo u muuqda inuu kharash badani ka galay.

Warar uu wargeyska Geeska Afrika helay ayaa sheegaya in xafiisyada Hargeysa iyo Nayroobi ee WFP ay u qaadan waa’ ku noqotay in dhulkoodii ay sharciga u haysteen si fudud loo iibiyo iyadoon xataa lagu wargelin. Waxaanay xidhiidho la sameeyeen hay’adaha kala duwan ee xukuumadda si ay ula socod siiyaan dareenka saska leh ee ay ka qaadeen warkan sheegaya in dhulkoodii laga iibiyay nin ganacsade ah.

Sidoo kalena xafiiska  Nayroobi ee WFP ayay wararku sheegayaan inay labadii caano maal ee u dambeeyay ku jireen shirar is daba joog ah oo ay kaga tashanayaan arrintan, waxaana la sheegayaa inay aakhirkii go’aansadeen inay dhambaal u soo diraan Madaxweyne Siilaanyo, ka dib markii ay la tashi la sameeyeen xafiiskooda guud ee New York oo isagu Madaxweynaha u soo diri doona farriintan. Dhambaalka ayaa la filayaa inay Madaxweynaha kaga codsadaan inuu soo farogeliyo xiisadan ka dhex oogan xafiiska WFP ee Hargeysa iyo dawladda Hoose ee Hargeysa, sidoo kalena waxa la filayaa inay Hargeysa u soo diraan wefti. Waa markii u horaysay ee taariikhda Somaliland la iibiyo dhul hore loo siiyay hay’ad caalami ah.

Dadka falanqeeya xidhiidhka caalamka, ayaa aaminsan in iibka dhulka WFP oo ah hanti ay Qaramada Midoobay leedahay uu dhaawac u gaysanayo xidhiidhka Somaliland iyo Qaramada Midoobay, maadaama oo WFP tahay xafiis Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha qaxoontiga islamarkaana hantidiisu tahay hanti Qaramada Midoobay leedahay, iyadoo ay xeerar uga yaalaan Qaramada Midoobay in la taa-taabto hanti Qaramada Midoobay leedahay.

Khabiir reer Somaliland ah oo ku takhasusay xidhiidhka caalamka, in  badana gacan ka gaystay sidii ay Somaliland u wanaajin lahayd xidhiidhka ay la leedahay beesha caalamka, ayaa Geeska Afrika uga waramay natiijada ka dhalan karta talaabadan. Khabiirkan oo ka cudur daartay in magaciisa la sheego ayaa wuxuu isagoo arrintan ka hadlaya yidhi, “Waxaan u arkaa in talaabadan lagu iibiyay dhulkii WFP ay dhaawacayso xidhiidhka ay xukuumadda Somaliland la leedahay guud ahaan beesha caalamka, gaar ahaan Qaramada Midoobay. Waxay arrintani keenaysaa in Somaliland loo arko xukuumad aan fulin karayn heshiisyada ay gasho oo aan la aamini karin.”

Khabiirka oo falanqayntiisa sii wataa wuxuu yidhi, “Waxa kale oo ay talaabadani keeni kartaa ama horseedi kartaa in Qaramada Midoobay ay dib u qiimayso xidhiidhka wada shaqayneed ee ay la leedahay Somaliland. Dhinaca kale kooxda daba-galka Qaramada Midoobay ee UN Monitorig group ee warbixinaha u qorta golaha ammaanku waxay ku samayn karaan baadhis la xidhiidha in arrintani musuqmaasuq dabada ku hayso taas oo dhaawac siyaasadeed u keenaysa xukuumadda iyo xidhiidhkeena dibadda.”

Lama oga talaabada Madaxweyne Siilaanyo qaadi doono, waxase la wada sugayaa jawaabta uu ka bixiyo in la iibiyo dhul ay dawladda Somaliland hore u siisay hay’ad caalami ah. Waxa kale oo iyana shacab badan wax lala yaabo ku noqotay in Madaxweyne Siilaanyo dushiisa lagu iibiyo qaybo ka mid ah hantidii uu ka tagay Madaxweynihii ka horeeyay ee Daahir Rayaale oo uu Madaxweyne Axmed Siilaanyo si adag ugu eedayn jiray inuu iibinayo hantidii umadda.