Dhimista Miisaanku Waa Ay Ka Durugsantay Inta Aad Moodayso, Marmar Maskaxdaaba Mucaaradda

41
4314

Hargeysa (Geeska)- Tobannaankii sano ee u dambeeyey waxa ay dhakhaatiirta dunidu waqti badan geliyeen sidii dadka miisaankoodu saayidka yahay loogu caawin lahaa talooyin iyo tusaalooyin ka caawiya in ay rumeeyaan rajadooda ah in miisaanka ay mar uun dhimaan, iyada oo aanu misaan ridistaasu caafimaad darro kale ku keenayn. Laakiin dadaalladaasi marar badan waxa ay noqdaan kuwo aan guulo keenin, sababteedana waxaa dusha laga saaraa qofka miisaanka iska ridaya oo lagu eedeeyo in aanu niyadda u sii deynin dadaalkan iyo in aanu diyaar u ahayn in uu maro habraacyada ku habboon misaan dhimista ee loo soo jeediyo.

Haddaba waxaa hadda soo baxaysa arrin aan hore looga warqabin oo iftiiminaysa mid ka mid ah sababaha keeni kara in qofkii oo dadaalaya, haddana aanu miisaanku ka dhicin. Waxa ay dhakhaatiirtu ogaadeen in misaan dhimista iyo in la iska ilaaliyo korodhka miisaanku aanay ahayn arrin ku imanaysa uun doonis xooggan oo qofku la yimaaddo. Ama arrin ku xidhan in uu iska xakameeyo cuntada iyo in uu jimicsiyo sameeyo. War ay baahisay shabakadda NBC oo laga leeyahay dalka Maraykanka ayaa lagu sheegay in arrintu ay ka hawl badantahay sidii hore loo filayey.

Dhinaca kalana cilmibaadhis cusub ayaa lagu ogaaday in korodhka miisaanku uu sababo isbedello maskaxda iyo jidhkaba ku dhaca. Taas oo macnaheedu yahay in marar badan qofka oo ku dadaalaya in uu dhuubto ay ku dhacdo in uu dadaalkaas ku guulaysan waayo. Miisaanka dheeraadka ahi waxa uu marmarka qaarkood dhaawac gaadhsiiyaa maskaxda iyo jidhka. Waxa aanu maskaxda ku abuuraa khalkhal dhinaca shaqada ah oo keena in ay u qaadato in miisaankan dheeraadka ahi uu yahay qayb muhiim u ah qofka oo ay tahay in jidhka loo ilaaliyo. Fahamkaas qaldan ee ku dhaca shaqada maskaxda ayaa sababa in jidhku uu dhaqso u soo ceshado kiiloogaraam kasta oo ka dhaca, iyo in uu marka hore ku fara adaygo miisaanka dheeraadka ah. Waxa kale oo dhaawaca maskaxda soo gaadha ka mid ah in miisaanka badani uu dhaawacyo soo gaadhsiiyo qaar ka mid ah unugyada neerfeed ee maskaxda, keentana in ay shaqadooda ka gaabiyaan ama hawlgabaan.

Horraantii sagaashamaadkii qarnigii hore, waxa ay dhakhaatiirta la noqotay in ay heleen xog dahab ah, kaddib markii ay soo saareen isku dhiska Phentermine iyo Fenfluramine. Waa dawada Fen-Phen waxa ay dhakhaatiirtu ka filayeen in ay si mucjiso ah u dhalaaliso xaydhka jidhka ku ururta. Laakiin dhowr sano kaddib, waxaa soo baxday in ay dawadu keenayso khataro caafimaad darro oo ay ka mdi tahay, wadnaha oo hawlgaba iyo dhiigkarka. Kaddib hay’adda tayada dawada iyo cuntada ee Maraykanka ayaa go’aamisay in suuqa laga saaro dawadaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here