Dhiigga Da’ Yar Haddii Qofka Da’da Ah Lagu Shubo Waxa Uu Ku Abuuraa Dhalinyaranimo Iyo Firfircooni

30
3179

Washington (Geeska)- Dadaalka dadyowga dunidu ka siman yihiin ee la tacaalista iyo iyo daweynta xanuunka jidheed iyo ka nafsadeed ee gabowga, iyo jacaylka loo qabo dhalinyaranimada ayaa u muuqda in ay weji cusub galeen. Haddii in badan qalniino iyo daweyn khatar kale dhalin kara laga fikiri jiray, marka la doonayo dhalinyaranimada, imika waxa ay u muuqataa in soo celinta dhalinyaranimada aan meel dheer laga raadsan doonin, keliya waxa aad u baahan tahay in aad isku baanato dhiig dhalinyaro.

Linda Partridge oo Bare-sare ka ah maxadka caafimaadka dadka da’da ah oo ka tirsan jaamacadda California, ayaa sheegay in la wado daweyn cusub oo ku dhisan cilmibaadhiso cusub oo daahfuray in dhiig qof dhalinyaro ah oo qof da’ ah lagu shubaa ay sababto in qofka da’da ah ay ku beeranto ruux iyo firfircooni dhalinyaronimo.

Warbixintan oo aynu ka soo xigannay shabakadda wararka ee Al-Carabiya waxa ay sheegtay in dhiigga helistiisu ay tahay arrin aad u fudud oo tabaruc iyo lacagba lagu heli karo, waxa aanay tusaale u soo qaadatay shirkadda Ambrosia oo ah shirkad Maraykan ah oo lacag badan ku iibisa dhiig laga shubay dad dhalinyaro ah. Warbixintu waxa ay sheegtay in qiimaha 2 Litir iyo badhka dhiigga ay shirkaddani ku iibiso 8 kun oo doolar.

Dr. Amy Pepe ayaa iyaduna sheegtay in dhiigga qofka dhalinyarada ah laga shubo ee qofka da’da ah lagu shubaa ay wanaajiso tayada dhiigga ku sii jira qofka da’da weyn. Iyada oo sababta sii iftiiminaysana waxa ay sheegtay in dhiigga qofka dhalinyarada ahi uu la dagaalamo calaamadaha gabowga ee qofka da’da ah ka soo ifbaxa, maadaama oo unugyada dhiigga qofka dhalinyarada ah ku jiraa ay awood sare u leeyihiin daweynta xanuunnada qaarkood, iyo bogsiinta cilladaha caafimaad ee ku jira dhiigga qofka weyn. Waxa kale oo ay dhakhtaraddu sheegtay dhiigga cusubi marka uu galo jidhka qofka da’da ah, in uu dhiirrigeliyo taranka iyo fiicnaanta unugyada ku xeeran ee dhiigga qofka da’da ah ee lagu shubay.

Amy Pepe waxa ay intaas ku sii dartay in dhiigga dhalinyarada ee qofka da’da ah lagu shubay uu suurtagelinayo in dhiiggu uu si sidii hore ka fiican u gaadho muruyqada sadhaysan, beer xanuunka iyo habdhiska neerfaha ee qofka da’da ah.

Si kastaba ha ahaato ee faahfaahinaha cilmiga ah ee arrintan la xidhiidhaa weli waxa ay u baahan yihiin in si aad ah loo sii caddeeyo iyo in baadhiso dheeraad ah loogu noqdo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here