Dharaaro Xusuustood: Prof. Maxamed Siciid Gees – Qeybtii 23aad

Published on Mar 13 2014 // Maqaalo, Warar

Picture4Waxayi iguma soo dego

Haddana wax ima seegaane

 

Waa maalin Khamiis ah, saacaddu waa shantii galabnimo, taariikhdu waa 19-kii bisha May sannadkii 1960kii. Goobtu waa Gurigii Boqortooyada Itoobiya, magaalada Adiis Ababa. Waa kulan laba dhinac ah oo dhexmaray Haybadleh Boqor Haille Salassie oo ay waheliyaan Wasiirradiisu oo ay ka mid yihiin laba Wasiir-ku-xigeen oo Soomali ihi.

Dhinaca kale waa afartii Wasiir ee reer Somaliland ee la soo doortay oo uu hoggaaminayo Marxuun Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, saddexda kale oo ahaa Marxuun Cali Garaad Jaamac, Marxuun Xaaji Ibraahim Nuur iyo Mudane Axmed Xaaji Ducaale.

Afarta Wasiir waxay bishaas May shanteedii heshiis kula soo galeen Boqortooyada Midawday (UK) magaalada Londhon in Somaliland ay xoriyaddeeda qaadato bisha Juun 26-keeda, isla sannadka 1960. Dabadeed, waxay socdaal ku tageen magaalada Muqdishu oo ay halkaas wada-hadal kula yeesheen madaxda dalkaasi Soomaaliya, kadibna waxay yimaadeen Addis Ababa oo kulankani ka dhacayo. Qolo waxay ku hadlaysaa Af-soomali, qolada lalena Af-Axmaar waxa u kala tarjumayaa Wasiir-ku-xigeennada Soomaalida ah ee reer Itoobiya.

Haybadle (His Imperial Majesty) Boqor Haille Salassie: ayaa hadalkii furay oo yidhi; “Waa ku faraxsan nahay inaannu idinku qaabilno halkan maanta. Waa idiin furan yahay ee kuu soo dhowaada.

Marxuun Maxamed Xaaji Cigaal: “Waxan muddo dheer sugaynay in aannu mar uun kula kulanno oo kula hadlo, waayo Haybadle, marna adiga toos uma aynaan wada hadlin, haddii aannu Sooomali nahay. Warar qaldan ayaa la isaga keen gudbin jiray. Haddii nasiib-wanaag aynu kulannay markii u horreysay, waxannu kuu caddaynayaa inaanay jirin wax colaad ah oo dhinaca Somaliland lagaga qabaa. Maanta waxan u nimid inaannu ku aragno, waxaannu aaminsan nahay, in kulankani bilaabi doono xidhiidh wanaagsan oo dhexmara labadeena dal iyo dadkooda.” Danteena ayaa ku jirta in xidhiidhkeenu ahaado mid wanaagsan.

“Waxa aannu dhowaan noqon doonaa dal madaxbanaan, waxa aannu kugu nimid inaad gacan nagu siisid sidii aan u dhisi lahayn dalkayaga, inuu noqdo mid dhab ahaan u madax bannaan.

Haybadle waxa jira dhul loo yaqaan Haud and Reserve Area (Hawd iyo Riseerf eeriya) oo ay degaan dadkayagu sannadkii inta badan, dhulkaas oo gacantiina ku jira. Dadkaasi ma xukumi karno, haddii dhulkaas ay degaan aanu gacantayada ku jirin.

Sidaas darteed, waxa aannu ka codsanaynaa Haybadle inaad gacan nagu siisid sidii aad noogu soo wareejin lahayd dhulkaas marka aannu gobanimayada qaadano. Halkan imaatinkayagu ma ah inaannu wax idinku qabsanno ee dal Afrikaan ah oo aannu walaalo nahay ayaanu jeclaysany in aannu codsigan u gudbino. Waxaannu ku kalsoon nahay in wax qoomamo ihi kaga iman doonin dal soo koraya oo aad gacan qabatid.

Haybadle dadka Soomaaliyeed meel kasta ha joogeen abaal ayey kugu hayn dooonaan gacan qabashadaas. Sidoo kale dadka reer Afrikana waa ay soo dhowayn doonaan.

Haybadle dalkaagu waa dawladda ugu fac weyn dalalka Afrika, sidaas darteed gacan ayaad na siin karta, oo wax baad ka qaban kartaa baahidayada. Afriki waa isu imanaysaa waxa hoggaamin doonaa ciddi gacan qabta oo kalmaysa dalalka xoriyadoodu cusub tahay ee hadda gumaysiga ka xoroobay.

Maanta haddii aad na taageerto waxaad ku guulaysanysaa jacalyka iyo ixtiraamka dadka reer Afrika, arrintaas oo sida aan u arko ka muddan oo kaaga qiima weyn Boqornimada Itoobiya keligeed. Hadalkayagu maa aha mid afka baarkiisa ah, waa mid ka soo go’ay kashka iyo wadnaha. Wixii aad na tidhaahdidna sidaas oo kale ayaan u qaadanaynaa.

Haybadle arrinta furaheedu gacantaada ayuu maanta ku jiraa, waxa aannu u dheg taagaynaa go’aankaaga. (La soco waxa saaxiibadii ku dareen qoraalka dambe)

 

comment closed

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!