Dareere Qudhaanjada Ku Jira Oo Laga Dhigayo Dawo Jeermis-Dile Ah Oo Ka Tayo Badan Ta Hadda Jirta

28
2789

Washington (Geeska)- Saynisyahanno ku xeeldheer cilmiga noolaha oo ka tirsan jaamacadda North Carolina ee dalka Maraykanka ayaa ogaaday in jidhka qudhaanjadu uu awood u leeyahay in uu tirtiro boogaha iyo kaarka ku dhaca, sababtuna ay tahay dareeraha Haemolymph oo xayawaannada qaar ay qudhaanjadu ka mid tahay ugu jira kaalinta uu dhiiggu ku leeyahay habdhiska wareegga.
Waxa ay saynisyahannadu ogaadeen in dareeraha Haemolymph ay ku jiro tiro aad u badan oo ah maaddooyinka liddiga ku ah bakteeriyada sababta xanuunka. Iyaga oo xaqiijisay in ay jiraan jeermis-dileyaal ka mid ah habdhiska dahadhaadha sare ee jidhka qudhaanjada, taas oo macnaheedu yahay in ay iska caabbin xooggan u leedahay noocyada kala duwan ee bakteeriyada. Waana sababta aynu u aragno qudhaanjadu in ay mar kasta firfircoon tahay.
Saynisyahannada oo doonaya in ay ka faa’iideeyaan natiijada ka soo baxday daraasaddan ayaa hadda ku hawlan soo saarista dawooyin jeermis-dile ah oo ka samaysan dareeraha ku jira jidhka qudhaanjada, kaddib markii ay hubiyeen in dareerahaasi uu awood xooggan u leeyahay dilista bakteeriyada iyo jeermiska ku dhaca aadamaha. Waxa ay saynisyahannadu ku rajo weyn yihiin in ay dhaqso u soo saari doonaan dawadaas oo ay filayaan in ay gebi ahaanba ka tayo iyo waxtar fiicnaan doonto ta hadda jirta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here