Danjire Cali-Shoombe Oo Ka Hadlay Xidhiidhka Somaliland Iyo Itoobiya

40
3832

Hargeysa (Geeska)-Safiirka Somaliland ee Itoobiya Cali Xuseen Xaaji  Ismaaciil Jirde (Cali Shoombe),ayaa ka hadlay xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya, xilli Dawladda Itoobiya ay sheegtay in labada dal xidhiidh aad u fiicani ka dhexeeyo, waxaanu xusay in heshiisyadii labada dal, ee Xukuumaddii hore sii gashay in la dhamaystiri doono, waxaanu xusay in Waddadii isku xidhaysa Berbera iyo Wajaale sida ugu dhakhsaha badan loo bilaabayo, Guddiyadii labada dalna ay hawl-gali doonaan marka Xukuumaddani si dhamaystiran xilka dalka ula wada wareegto.

Safiirka Somaliland ee Itoobiya Cali Xuseen Xaaji  Ismaaciil Jirde (Cali Shoombe), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay Saraafad ahaan kaalinta ay ku leeyihiin xidhiidhka labada waxaanu ugu horeyn yidhi “Waa kaas Wasiirka Gaadiidka ee Itoobiya sheegay in xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya, wanaagsan yahay, sida ugu dhakhsaha badan waddadii loo bilaabayo, markaas waxa hadhay waa wax yar oo farsamo ah, marka Xukuumaddu cusubi taladda si fiican ula wada wareegto,ayaa Guddiyadii wada hawl-galayaan, waxaana jiray Guddiyo labada dal ka dhexeeyey, ama heer Wasiir ha noqoto, ama heer farsamo ha noqotee, markaas hawshu halkaas ayey ka bilaabaysa, heshiisyaduna waa heshiisyo muddo badan u soo socday labada dal,oo halkii-yuun laga sii wadayo, xidhiidhka labada dalna intii hore uu ka sii wanaagsanaan doonaa insha allaah”.

Safiirka Somaliland ee Itoobiya mar uu ka hadlaayey Saraafad ahaan kaalinta ay ku leeyihiin xidhiidhada labada dal ayaa yidhi “Anagu Safaraad ahaan waajibkaygu waa in xidhiidhka iyo isku soo dhaweeynta labada dal, aad u sii wanaajino, meel aad u wanaagsana wey noo maraysa, Wadanka Itoobiyana, waa Wadan aynu jaar nahay, oo xidhiidh soo jireena aynu leenahay, markaas inaynu waxyaabo badan iska kaashano waa daruuri”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here