Danjire Aadan Muuse Jibriil Oo Ka Hadlay Magacaabista Faratoon Ee Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland

26
2996

Magacaabista  Dr.Yassiin Faraton ee wasaaradda arrimaha Dibeddu waxay buuxinaysa waax wayn oo dawlad Wanaagga Somaliland ka maqna intii ka dambaysey Madaxwyne Cigaal ka iyo Rayaale.

Aragtida Somaliland State ma aha in loo arko mid ku kooban beesha dhexe. Waxaa loo baahanyahay in loo arko mid ka kooban dhamman beelihii Somaliland ka koobnaan jirtey muddadii Gumaysiga Ingiriiska. Maanta haddii la xasuustay taas maanta waa ilaahay mahaddii

Waxana loo baahan yahay in la ogaado oo si buuxda loogu dhaqmo u sinaanshaha dhamman wasaaraddaha hal-bowlaha ah (ee dunida ilbaxa ah) looga Yaqaan : “Sovereign Ministerial Posts”, sida wasaaradda Arrimaha Dibadda, tan Gudaha, tan Maaliyada, iyo sida Guddoomyiha Maxkamada Sare, Xeer ilaaliyaha guud, taliyayaasha ciidamada iyo dhamman madaxda Hay’adaha loo yaqaan “Sovereign State institutions’’, af Somaliga lagu odhan karo Manaasibta ‘’Siyaadada dawladnimada’’.

Arrinka oqoonsi raadintu waxuu ku xidhan yahay oo sharddi u ah in beelaha Somaliland laga wada dhex arko dhamman maamul qaybsiga iyo dhuuni qaybsiga. Aqoonsiga Somaliland halkaas bu ku xidhan yahay ee yaan meelo kale laga raadin lagana doonin

By Adam Muse Jibril

adamjibril@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here