Dalalka Gobalka Oo Indho Feejigan Ku Eegaya Xaaladda Itoobiya Iyo Falanqaynta Shakhsiga Laga Yaabo Inuu Noqdo Raysalwasaare

36
3345

Hargeysa(Geeska)-Madaxda dawladaha gobalka Geeska Afrika ayaa indho feejigan ku eegaya xaaladda siyaasadeed ee ka taagan Itoobiya ee ka dhalatay is casilaadda raysalwasaaraha Itoobiya

Hailemariam Desalegn, oo u muuqatay inay ahayd mid kedis ah.

Dalka Itoobiya oo ay dawladu ku soo rogtay xaalad deg deg ah, ayaa waxa ay madaxda gobalka Geeska Afrika ee xidhiidhka la leh dalka Itoobiya ay u muuqdaan inay ka gaabsanayaan inay ka hadlaan xaaladda taagan, waxase si dhow ay ula socdaan waxyaabaha la filan karo.

Madaxweynayaasha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, Djibouti Ismaaciil Cumar Geele, Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, Kenya Uhurru Kenyatta iyo Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir ayaan midkoodna ka hadal xaaladdan ka soo korodhay dalkaas. Madaxda dalalkan ayaa xidhiidh dhow oo wada shaqayneed iyo ganacsi la leh dalka Itoobiya.

Inkastoo laga yaabo inay madaxda gobalku siyaabo gaar ah oo aan warbaahinta loo bandhigin ay ula xidhiidheen madaxda Itoobiya, haddana ma jiro hadal saxaafada u soo baxay oo ay ka yidhaahdeen xaaladda Itoobiya.

kuma noqonaya raysalwasaare?

Warar kala duwan, balse u muuqda inay isku jiho u socdaan ayaa ka soo baxaya cidda bedeli doonta raysalwasaaraha is casilay. Warbixin uu shalay baahiyay telefishanka Aljazeera, wuxuu ku sheegay inay suurtogal tahay in laba nin midkood uu xilkaas raysalwasaaraha Itoobiya qabto. Labada nin oo ka soo jeeda qoomiyada oromada ayaa kala ah Lemma Megersa oo ah guddoomiyaha urur siyaasadeedka OPDO ee oromada oo sidoo kalena ah madaxweynaha is maamulka Oromada iyo Dr. Abiye Ahmed oo isna ah guddoomiye-xigeenka ururkan OPDO islamarkaana ah siyaasi aftahan ah oo taageero badan leh. Telefishanku wuxuu shegay inuu xogahan ka helay dad ka tirsan xisbiga oromada ee OPDO.

Lovise Aalen, oo ah khabiir u dhashay dalka Norway oo isna warbaahinta ENEWS CHANNEL AFRICA  ee Koonfur Afrika u waramay ayaa sheegay inuu raysalwasaaraha cusubi noqon doono masuul ka soo jeeda Oromada ama Amxaarada, wuxuuse sheegay suurtogalnimada in kursigan si ku meelgaadh ah loogu magacaabo ku xigeenka raysalwasaarihii hore Mr. Demeke Mekonnen oo ka soo jeeda qoomiyada amxaarada.

Falanqeeyahani wuxuu sheegay in xisbiga lagu bahoobay ee EPRDF ay magacaabista Mr. Mekonnen u sahli  doonto inuu ka badbaado is qabqabsi dhex mara murashixiinta oromada oo la filayo inay dhawr nin noqdaan, taas oo kala qaybin karta siyaasiyiinta EPRDF.

Qaabka doorashada?

Raysalwasaaraha waxa dooran doona golaha dhexe ee ururka EPRDF oo ka kooban 180 xubnood. Afarta urur ee ku bahoobay EPRDF oo uu midkiiba leeyahay 45 xubnood oo ka kooban 180-ka xubnood ee golaha dhexe ee EPRDF ayaa kala ah OPDO, ANDM, SEPDM iyo TPLF.

Waxa uu EPRDF isugu yeedhi doonaa golaha dhexe ee EPRDF oo codka oo ah mid qarsoodi ah ku kala saari doona murashixiinta raysalwasaaraha u tartamaysa, waxaana murashaxa codka ugu badan helaa uu noqon doonaa raysalwasaaraha Itoobiya, iyadoo loo gudbin doono Baarlamaanka federaalka Itoobiya oo lagu hor dhaarin doono, sida uu sharciga Itoobiya dhigayo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here