Dalalka Beesha Caalamka Ee Taageera Doorashooyinka Somaliland Oo Lacagta Ay Bixinayaan Ku Xidhay Saddex Qodob In Xal Loo Helo

0
11754

Hargeysa(Geeska)-Dalalka beesha caalamka ee taageera nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland, ayaa la sheegay inay saddex qodob doonayaan in la xaliyo si ay u maalgeliyaan doorashooyinka wakiilada iyo deegaanka ee la qorsheeyay inay qabsoomaan sannadka dambe ee 2019.

Sida ay Geeska Afrika u sheegeen ilo xogogaal ahi, dalalkan oo hore u balan qaaday inay bixinayaan inta badan lacagta ku baxaysa doorashooyinka kal dambe ayaa waxa ay doonayaan in Somaliland xaliso saddex qodob oo ay u arkaan inay caqabad ku noqon karaan in doorashooyinku qabsoomaan.

Saddexda qodob ayaa sida ay wararku sheegeen waxa ay nuxur ahaan kala yihiin:

  1. In Baarlamaanka Somaliland ansixiyo kuraas gaar ah oo kooto loogu xidhayo haweenka Somaliland. Qodobkan ayaa ku jira xeerka doorashada golaha wakiilada ee horyaala golahaas
  2. In xal laga gaadho khilaafka u dhexeeya xisbiga Waddani iyo guddiga doorashada. Xisbiga Waddani ayaa bishii March ee sannadkan ku dhawaaqay inay kalsoonidii kala noqdeen guddiga doorashada islamarkaana aanay ka qayb geli doonin doorasho ay maamulayaan. Waddani oo aan guddiga doorashada kalsooni ku qabini waxay caqabad ku tahay inay doorasho dalka ka qabsoonto.
  3. In xal nabadeed lagu dhammeeyo dagaalka Tuko-raq. Dalalka beesha caalamka iyo kuwa gobalka ayaa doonaya in wada hadal lagu dhammeeyo khilaafka dagaalka sababay ee deegaanka Tuko-raq. Inkastoo aanay Somaliland ka talaabin xuduudkeeda caalamiga ah haddana Dawladda Somaliland ayaa hore u sheegtay inay diyaar u tahay in xal nabadeed lagu dhameeyo xiisada Tuko-raq, Laakiin maamulka Puntland ayaa dhawaan eeddo u jeediyay Qaramada Midoobay iyo IGAD oo door muhiim ah ka ciyaaraya joojinta dagaal dambe oo ka dhaca Tuko-raq.

Dalalkan reer galbeedka ah ayaa la sheegay inay aad xoogga u saarayaan qodobka koowaad ee kootada iyo qodobka labaad ee xalinta khilaafka xisbiga Waddani iyo guddiga doorashada si dariiqa loogu xaadho in doorashooyinku qabsoomaan kal dambe oo aanay mar kale dib uga dhicin wakhtiga loo qoondeeyay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here