Dagaallada Israa’iil: Guushii Bilowgii Ee Yuhuudda, Farxaddeedii Ma’ Ay Waarin

Published on Aug 12 2014 // Columnists, Warar

Picture1… Xizbullaahina waxa uu ku jawaabay gantaallo uu la beegsaday warshado iyo ilo dhaqaale oo gudaha Israa’iil ah iyo sidoo kale saldhigyo milateri iyo kuwo rayid ah, waxa aanu markii ugu horreysay wax-iska-caabbinta Carabta gantaalihiisa gaadhsiiyey magaalada Xayfa ee gudaha Israa’iil. Dagaalkan oo socday Afar toddobaad, waxaa ku dhintay 1300 oo Lubnaaniyiin ah, waxaana ku dhaawacmay qiyaas ah Afar kun oo kale oo u badan dumar iyo carruur. Sidoo kale waxaa ka dhashay baro kac ay dad lagu qiyaasay Hal Milyan kaga baxeen guryahoodii iyo tuulayaashoodii.

Marka la is-barbar dhigo wax-iska-caabbinta Falastiiniyiinta iyo tan Lubnaaniyiinta waxaa aad u taag daran ta’ Falastiniyiinta, in kasta oo ay aadna u kala duwan yihiin, Xizbullaahi waxaa lagu tilmaamaa dowlad, dowlad ku hoos jirta oo looga jeedo in ciidamadiisu ay u dhisan yihiin qaabka ciidamada qaranka oo leh tababar, mushahar iyo saanad milateri oo la mid ah tan ay helaan ciidamada dowladdu, taas oo u fududaysay in uu si madax bannaan oo xor ah hawlgalladiisa u maamulo, isaga oo ka faa’idaysanaya garoomada diyaaradaha, dekedaha iyo marinnada kala duwan ee dalka, dowladduna aanay awood u lahayn in ay ka joojiso, sidoo kale waxa uu leeyahay dowlado si buuxda u taageera dhinac dhaqaale, milateri iyo siyaasadeed intaba, waxaa ka mid ah dalka Iiraan oo taageero hiil iyo hooba leh si joogto ah ula garab taagan, waayo waa cudud milateri oo uu ku jihayn karo cidda uu doono, gaar ahaan u haysto in uu iskaga caabbiyo Muslimiinta Sunniga tirada badan ee dunida Carabta ka jira, isla markaana ah gacan uu ku gaadhi karo Israa’iil oo aanu xad la’ lahayn.

Falastiiniyiintu iyagu taas waa ka duwan yihiin; dhinaca dhulka Falastiin iyo Lubnana marka la eegayo Israa’iil Lubnaan waxa ay u aragtaa dal ay deris yihiin, laakiin Qaza iyo daanta galbeed waxa ay u arkaan dhul iyaga ka mid ah ama ku yaalla wadnaha agtiisa, sidaa awgeed isku fiiro kuma eegayaan, dhinaca kalana Falastiin Israa’iil iyo dalal iyada u adeega oo ay heshiisyo la gashay ku xeeran yihiin, sidaa awgeed khasaaraha ay gaadhsiin kartaa waa uu ka weyn yahay kan ay gaadhsiin karayso wax-iska-caabbinta Lubnaan, ugu dambayntiina Falastiiniyiintu ma’ laha dowlad ama garab dibadeed oo si badheedh ah u taageera, haddii xataa ay helaan cid diblumaasiyad ahaan taageerta waxa aanay helayn cid hub iyo dhaqaale muuqda ku taageerta. Laakiin haddana iyada oo ay sidaas tahay, haddana Falastiiniyiintu waxa ay dunida oo dhan tuseen, taliska Yuhuuddana fahamsiiyeen in xaaladdaa adag iyo duruufaha arxanka daran ee ay ku jiraan aanay ka hor-istaagi karin khal-khalinta amniga Israa’iil iyo in ay Israa’iil ku ledi weydo dhulka ay haysato.

Israel waxa ay Qaza ku garaacday gantaalaha kansarka keena:

Gantaalaha Afka qalaad lagu yidhaahdo DIME waxa ay ka mid yihiin hubka ay ciidamada Israa’iil illaa hadda u adeegsanayaan weerarka ay ku hayaan marinka Qaza. Magaca DIME waxaa laga soo gaabiyey Dense Metal Explosive, oo erey kasta xarafka koowaad laga soo qaatay.  Gantaalahan oo qumuciiba ka kooban yahay biro yaryar oo isku cufan (Masaabiir), oo leh sun, qofka ay ku dhacaan laba siyaabood ayaa ay wax u gaadhsiin kara, in ay sida miinshaarta waaxyaha (Gamaha, Lugaha IWM) u jaraan iyo in ciddii dhimasho ka badbaadda uu cudurka Kansarka ka qaado. Gantaalahan asal ahaan waxaa lagu sameeyey dalka Maraykanka, waxa aanay soo baxeen sannadkii 1997kii.

Qaabka ay u shaqeeyaan Gantaalahani:

Gantaalaha DIME oo si xooggan ay Israa’iil u isticmaashay waa hubka nooca loogu talo galay in ay yaraato khasaaraha ay u geysanayaan cidda ama dhulka ka baxsan halka lagu liishaamay, laakiin laga rabo ciddaa lala beegsaday in aanay dib u laxaadsan, taas oo macnaheedu yahay in goobta lagu gano ay si xun u burburinayso, halka gumac ee boqollaalka musbaar firdhinayaana dad badan gaadho, laakiin haddana aanu ka bixin xadka loogu talo galay. Khubarada ku doodaya in Israa’iil ay gumaad badheedh ah iyo xasuuq ka geysatay Marinka Qaza waxa yaabaha ay xujada ka dhiganayaan waxaa ka mid ah isticmaalka gantaalahan oo la og yahay in maadaama oo aan dhul ciidan joogo lagu ridin ay dad badan oo rayid ah dilayaan iyo dhinaca kale in isticmaalka gantaalahan macnahoodu yahay in halka lagu dhuftay ay tahay meel loola jeeday. (Xigasho: warbixin ay shabakadda Al-jazeera ka diyaarisay dagaalka)

Awoodaha aan isu dhigmin ee labada dhinac iyo khasaaraha dhacay

In kasta oo ay khubarada milateriga ee arrinta Qaza lafa guray u kala baydhi waayeen in labada dhinac ee dagaalka Qaza aanay isu dhigmin ama is ceshan karin, taasina ay tahay arrin iska caadiya oo ruux kastaa fahmi karo; waa dhinac uu ka soo jeedo ciidan dowladeed oo casriya, tayadiisu sarrayso si aad u casriyana u qalabaysan, halka dhinaca kalena ay ka soo jeedaan dad rayid ah, oo hubka ay haystaan isugu jiro mid fudud iyo mid macmal ah, waxa ugu weyn ee ay haystaan dhinaca hubkuna uu yahay gantaallo riddadoodu xaddidan tahay, khasaaraha ay geysanayaanna kooban yahay. Laakiin kala sarrayntaas labada dhinac ee iska soo horjeedaa sidaas ma’aha marka laga hadlayo niyadda iyo xamaasadda La soco..

Qaybtii 1-aad halkan riix

Qaybtii 2-aad halkan riix

Qaybtii 3-aad halkan riix

Qaybtii 4-aad halkan riix

 

.

 

 

 

comment closed

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!