Dagaallada Israa’iil: Guushii Bilowgii Ee Yuhuudda, Farxaddeedii Ma’ Ay Waarin: (Q 3-AAD)

0
1828

Picture3Dagaalka koowaad oo ay Israa’iil u bixisay, Deyrkii Xijaabka ahaa” waxa ay qaadday bishii Saddexaad ee 2002dii, kan labaadna waxa ay u bixisay, “Jidka lama huraanka ah” waxa aanay dib ugu qabsatay deegaanno ay hore uga baxday oo Falastiin ka mid ah, waxa ay burburisay meelihii ay u filaysay in ay gabbood iyo saldhig u yihiin kooxaha wax-iska-caabbinta, waxa ay go’doomisay hoggaamiyihii Falastiiniyiinta Yaasir Carrafaat oo ku sugnaa xaruntiisa ku taalla magaalada Raamallaah ee caasimadda is-maamulka Falastiiniyiinta, halkaas oo uu Yaasir Carafaat ku go’doonsanaa tan iyo markii inta uu aad u xanuunsaday xaaladda caafimaad loogula cararay dalka Faransiiska oo uu ku dhintay dabayaaqadii sannadkii 2004ta.

Kacdoonkaas (Intifaadada) Labaad waxa aynu ku tilmaami karnaa in iska-hor-imaadka milateri ee Falastiiniyiinta iyo Israa’iiliyiintu uu halkii ugu sarraysay gaadhay, waxaa dhintay Yuhuud lagu qiyaasay 1’060 (Kun iyo Lixdan) ruux, taas oo ah wax aan hore u dhicin taariikhdii loollanka iyo dagaallada Falastiin iyo Israa’iil, dhinaca Falastiiniyiintana waxaa dagaalladan kaga dhintay dad lagu qiyaasay illaa 5 kun oo ruux.

Kacdoonkaas laga bilaabo Wax-iska-caabbintii Falastiiniyiintu waxa ay isu beddeshay dagaal shacab oo muddo dheer ah, kaas oo adeegsanaya Istaraatijiyadda loo yaqaanno ‘Dagaal uu ka taagta darani ku qaadayo ka cududda weyn’ waxa ay bilaabeen dadaallo ay ugu hub urursanayaan cadowgan ka awoodda badan, maadaama oo aanay ka adkaan karinna, ujeedada koowaad ee ay xoogga saarayaan ay ahayd in ay ka shaqeeyaan sidii uu cadowgaasi u dhiig bixi lahaa, daal iyo jaahwareerna loogu ridi lahaa iyo in isku xidhnaanta iyo midnimada cadowga lagu dhex rido doodo iyo is-burin muran ka dhex dhalisa, iyo sidoo kale in la qaaliyeeyo waxa uu ku waayayo haysashada dhulka Falastiiniyiinta si Yuhuuddu ay u dareento in dhulka ay Falastiin ka haysataa aanu ahayn mid ay ku ladi karto, khasaare la’aanna ku haysan karto. Kooxaha wax-iska-caabbintu waxa ay dhisaan nidaam ay u bixiyeen iska-hor-imaadka afar geesoodka ah, kaas oo ay ka mid tahay in isku mar ay adeegsadaan, hawlgallo is-qarxin ah, gantaallo ay ku ridaan gudaha Israa’iil. Dagaalladan iyo jugtan joogtada ahi waxa ay Israa’iil ku qasbeen in ay la soo baxdo awooddeeda oo dhan si ay isaga celiso kooxaha wax-iska-caabbinta iyo in ay naafeeyaan awoodda shacabku u leeyahay wax-iska-caabbinta. Taas oo bilowgii Israa’iil u suurtogelisay in ay iyadu dhiig bax ku keento kooxaha wax-iska-caabbinta hubaysan ee Falastiiniyiinta, dhaq-dhaqaaqoodana ay daciifiyaan, illaa heer ay gaadheen in dunida oo dhami ka shakido halka ay wax-iska-caabbintu gaadhi karto iyo in midho laga dheefi kar midna. Si kastaba ha ahaato ee guusha ay Israa’iil gaadhay ma’ay qodxo la’ayno oo tusaale ahaan kacdoonkan dambe kooxaha Falastiiniyiinta qudhoodu waxa ay ka gaadheen guulo waaweyn oo ay ka mid tahay in ay si weyn u khalkhal geliyaan xasiloonida guud ee Israa’iil, waxa aanay abuureen muranno siyaasi ah iyo khilaafaad gudaha Israa’iil ka hura, sidoo kale kacdoonkan dambe waxa uu fool xumeeyey sawirkii dibadda ee Falastiiniyiinta, Qadiyaddii Falastiiniyiinta ee in la illaawo ku dhoweydna waxa uu dib ugu soo celiyey khariiradda caalamiga ah iyada oo weliba taageero iyo calool dabac badan oo caalamiya heshay. Ujeedooyinkan oo ahaaba kuwii marka horeba ay kooxaha Falastiiniyiintu Kacdoonkan ku doonayeen.

– Dagaalka Shanaad ee Israa’iil la gashay wax-iska-caabbintu waxa uu ahaa weerarkii ay Marinka Qaza ku qaadday dabayaaqadii sannadkii 2008da oo socday illaa horraantii sannadkii 2009ka, waxa uu ahaa hawlgal milateri oo ay Yuhuuddu doonaysay in ay ku daciifiso xukunka Xamaas ee Marinka Qaza, sidoo kale waxa uu ahaa Isku-day ay doonaysay in ay ku soo furato askarigeedii Xamaas ka haysay ee Jalcaad Shaliid iyo ujeedada ugu weyn oo ahayd in ay daciifiso awoodda dhinaca gantaalaha ee kooxaha wax-iska-caabbinta. Weerarkaas arxan darrada ah ee Israa’iil waxaa ku naf waayey 1’391 qof oo Falastiiniyiin ah, oo ay ku jireen 344 carruur ah iyo 110 dumar ahi, halka dhinaca Israa'iil kaga dhinteen 9 qof oo lix ka mid ahi ay askar yihiin.

– Dagaalkii Lixaad, waxa uu ahaa weerarkii ay ciidamada Yuhuuddu Qaza ku qaadeen bishii Kow iyo Tobnaad 2012kii oo socday toddobaad buuxa. Dagaalkan waxaa ku dhintay 191 Falastiiniyiin ah, waxaana ku dhaawacmay 1’526 kale, dadkaas oo badankoodu ahaa dumar, carruur iyo dad waayeel ah. Khasaaraha Yuhuudda soo gaadhayna waxa uu ahaa dhimashada 6 askari oo keliya.

La soco…

Qaybtii 1-aad halkan riix

Qaybtii 2-aad halkan riix