Dadka Sigaarka Nuuga Oo La Ogaaday In Shaaha Kululi Uu Ku Keeno Kansarka Hunguriga Ku Dhaca

31
2934


Beijing (Geeska)- Cilmibadhis dhowaan lagu sameeyey dalka Shiinaha ayaa daahfurtay in dadka sigaar-nuugga ah ama qabatima isticmaalka alkahooshu, haddii ay shaaha kulayl ku cabbaan in ay khatar ugu jiraan in uu ku dhaco cudurka kansarka noociisa hunguriga ku dhacaa.
Cilmibaadhayaal ka tirsan ‘Hay’adda Cilmiga dabiiciga ah ee Qaranka China, natiijadeedana salaasadii aynu ka soo gudubnay lagu baahiyey joornaalka Annals of Internal Medicine ayaa sheegay in kansarka noociisa dhunta ku dhacaa uu si guud xidhiidh xooggan ula leeyahay isticmaalka maandooriyaha iyo sigaar nuugista, laakiin ay shan laab sii kordhayso suurtagalnimada ah in cabbista shaaha aad u kulul ay dadka maandooriyaha cuna ku keento kansarka dhuunta ku dhaca, halka ay hal mar sii laban laabmayso marka uu qofku isk udaro sigaar nuugista iyo cabbista shaaha kulul.
Cilmibaadhistan oo lagu tilmaamay tii nooceeda ugu weynayd, ayaa tijaabadeedii ay xeeldheereyaashu muddo 9 sano iyo badh ah, la socosho iyo dib u eegis ku sameynayeen xaaladda 456 kun oo qof oo da’doodu u dhexeyso 30 illaa 79 sano iyada oo intii tijaabadu socotay lafteeda ay dhacday in cudurka kansarka noociisa hunguriga ku dhacaa uu haleelay 1700 oo qof oo ka mid ahaa dadka tijaabada lagu samaynayey.
Cilmibaadhayaashu waxa ay ogaadeen in tirada dadka khamriga cabba ama tubaakada shita oo marka horeba lagu yaqaannay in uu ku dhaco cudurka kansarka dhuuntu, haddii ay shaah kulul cabbaa, in ay sii kordhayso cabsidii ahayd in uu ku dhaco cudurka Kansarku. Cilmibaadhistan ayaa ku talisay in si guudba la iska daayo shaaha aad u kulul maadaama oo ay jiraan daraasado badan oo isku xidhaya shaaha kulul cabbistiisa iyo cudurka kansarka dhuunta ku dhaca.
Kansarka hunguriga ku dhacaa waxa uu ka mid yahay noocyada kansar ee ugu badan dunida maanta, waxa aana sababtiisa sannad kasta u dhinta dad lagu qiyaaso 400 oo kun oo qof, sida ay sheegtay wakaaladda caalamiga ah ee cilmibaadhista kansarka. Kansarka hunguriga ku dhaca waxaa inta badan sababa dhaawac soo gaadha hunguriga, waxyaabaha ugu badan ee dhaawacaa ama nabarkaa sababaana waa khamriga iyo sigaar nuugista.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here