Cunto Cunista Kaddib Oo La Dhididaa Waxa Ay Calaamad U Noqon Kartaa Xanuun Khatar Ah

33
3437

Hargeysa (Geeska)- In cuntada kaddib la dhidido waxa ay dhakhaatiir badani u yaqaannaan in ay tahay xaalad jidheed oo dabiici ah, laakiin baadhitaanno dheeraad ah oo la sameeyey ayaa sheegaya in ay suurtagal tahay in ay calaamad u tahay xaalado caafimaad oo baadhitaanno rasmi ah u baahan.

Caadi ahaan xaraaradda jidhka ayaa kor u kacda marka u uu qofku cuno cuntooyin kulul dhinaca dabka ama basbaas ahaan, arrintaasi waxa ay keentaa in ay furmaan daloollada dabiiciga ah ee maqaarku leeyahay, kaddibna uu si dabiici ah dhidid u yimaaddo.

Dhakhaatiirtu waxa ay sheegeen in dhididka badan ee cuntada kaddib uu calaamad u noqon karo xaaladda Frey’s Syndrome oo ah khalkhal neerfeed oo dhif ah, oo ku yimaadda dhaawac ku dhaca qanjidhka baarootidh oo ah ka sameeya dhareerka. Waxa kale oo ay arrintani calaamad u noqon kartaa dhaawac uu qabo dareenwadaha (Neerfaha) Temporal Nerve ka ee mara wejiga. Gaar ahaan dhegta.

Waxa kale oo ay dhakhaatiirtu ka digeen in dhididka dadka qaar ka yimaadda cuntada kaddib uu calaamad u noqon karo xanuunka macaanka ama xanuunka unugyada maskaxda dila gariirkana keena ee Parkinson’s.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here