Cayayaanka Cuntada Ku Dhasha Iyo Talada Ugu Habboon Ee Caawinaysa In La Iska Nadiifiyo

26
3275

Berlin (Geeska) – Cayayaanka cuntada ku dhasha sababtiisu inta badan waxa ay la xidhiidhaa cuntada meheradda laga soo iibiyey taalla ama meelihii kale ee ay cuntadani soo martay oo ay taallay cunto uu cayayaan ku dhashay, sidaa awgeed talada koowaad waa in aynu iska hubinno cunto kasta oo aynu bakhaarka ka soo iibsanayno.

Hay’adda daryeelka macmiilka ee dalka Jarmalka ayaa sheegtay in cayayaanka cuntadu uu ka kooban yahay, “Noocyo kala duwan oo xasharaadka ka mid ah, sida balanbaalista oo inta ay bakhtido oo ay qallasho ku dhex burburta cuntada caydhin, si aan looga dhex garan karinna ugu darsanta iyo cayayaanno kale oo qaarkood ishu aanay si fiican u qabanayn haddii aan loo fiirsan.

Waxa ay hay’addu sheegtay in cuntooyinka ugu badan ee cayayaankan laga helaa ay yihiin khudradda noocyadeeda kala duwan, cadaska iyo  guud ahaan cuntada midhaha ah, cuntooyinka budada laga dhigo sida daqiiqda, qooshka, cuntooyinka cajiinka ka samaysan oo dhan iyo shaglaydhka.

Waxa ay hay’addu ku talinaysaa haddii cuntada cayayaan lagu dhex arko in sida ugu dhaqsaha badan guriga looga saaro, sida oo kalana sanduuqa ama bacda xashiishka lagu qubo ee guriga taalla in dhaqso guriga dibaddiisa loogu saaro iyo in si adag loo nadiifiyo meelaha cuntada lagu kaydiyo iyo weelasha lagu rido cuntada caydhin ama aan markaa la isticmaalayn. Waxa kale oo la isicmaali karaa saliidaha udugga leh oo guriga iyo weelka cuntada lagu kaydiyo lagu nadiifyo, sida saliidda qolofalka, saliidda qoriga bariiska laga sameeyo iwm, si loo eryo cayayaankan.

Waxa kale oo ay hay’addu ku talisay in si joogto ah loo nadiifiyo goobaha cuntada lagu kaydiyo, haddii cayayaan lagu arkana aan mar keliya la nadiifin ee muddo nadiifintaas lagu celceliyo xitaa haddii aan cayayaan lagu arag. Waxa kale oo aad u muhiim ah caafimaad ahaan in laga hortago in cayayaanku uu u soo gudbo kijada iyo goobta cuntada lagu kariyo, oo ay adagtahay haddii uu galo in laga saaro.

Cayayaannadan oo ogxaan ku tarma ayaa inta badan ogxaanta gashasda dildillacyada yaryar ee qaarkood ili ma qabatayga ah, sida oo kale dirxiga ka dillaaca oo aan la arki karin ayaa gala laababla iyo meelaha cidhiidhiga ah ee weelka wax lagu karsado, sababtaas ayaana muhiim ka dhigaysa in mar kasta nadaafadda cuntada, weelka iyo kijada si aad ah loo ilaaliyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here