Cabdiraxmaan-Cirro Oo La Filayo Inuu Guddoomiyenimada Xisbiga Ku Wareejiyo Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay

31
3424

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa la filayaa inuu dhawaan guddoomiyenimada xisbiga ku wareejiyo guddoomiyihii ku meelgaadhka ahaa ee xisbiga Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde.

Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde oo safar ugu maqnaa dalka dibadiisa ayaa toddobaadkan ku soo laabtay caasimadda Hargeysa, waxaanay warar xogogaala oo uu Geeska Afrika helay xaqiijiyeen in guddoomiye Cirro ku jiro qorshaha iyo qaban qaabada wareejinta guddoomiyenimada xisbiga, waxaanay wararku sheegeen inuu markaas ka dib u bixi doono safar nasasho oo dibadda ah, sidaasna uu Cabdiqaadir Jirde kula wareegi doono guddoonka iyo hawlaha xisbiga.

Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde, ayaa shirkii u dambeeyay ee xisbiga Waddani loogu doortay guddoomiye ku meelgaadh ah, waxase marka lagu wareejiyo uu noqon doonaa guddoomiyaha xisbiga.

Haddii ay rasmi noqoto in guddoomiye Cirro guddoomiyaha xisbiga ku wareejiyo xildhibaan Cabdiqaadir Jirde, waxa meesha ka bixi doonta hadal hayn siyaasadeed oo ay dadka xisbiga Waddani dhaliilaa ku doodi jireen oo ah inaanu guddoomiye Cirro si fudud u wareejin doonin guddoomiyenimada xisbiga. Waxa kale oo ay dadka siyaasadda falanqeeyaa aaminsanyihiin in xildhibaan Jirde oo guddoomiyaha xisbiga la wareegaa ay sii xoojin doonto xisbiga Waddani. Xisbiga ayaa sidoo kale dhawaan doortay xoghaye cusub oo ku meelgaadh ah oo loo doortay aqoonyahan Khadar Xuseen Cabdi.

Geesta kale waxa isna shalay magaalada Hargeysa ku soo laabtay hoggaamiyaha xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan oo isaguna tan iyo markii ay doorashadu dhammaatay safar ugu maqnaa dalka dibadiisa.

Si kastaba ha ahaate, maalmaha soo socda ayaa la eegayaa isbedelada ku soo kordha xisbiga Waddani.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here