Cabdillaahi-Ciro Oo Bogaadiyay Golaha Guurtida

0
526

Picture3Hargeysa(Geeska)-Wasiirkii arrimaha gudaha ee xukuumadii hore ee UDUB Md. Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cirro), ayaa golaha guurtida ku bogaadiyay sida ay ugu guntadeen xalinta khilaafkii ka dhex taagnaa golaha wakiilada.

Md. Cirro, wuxuu sheegay in golaha guurtidu yahay hay’adda ay Somaliland kaga soo dabaalatay duruufo badan oo khilaafyo siyaasadeed ahaa. Waxaanu yidhi “Waxaan golaha guurtida ku bogaadinayaa sida ay xilka iskaga saareen khilaafka golaha wakiilada islamarkaana ay ugu soo gunaadeen qodobo ay ku wada qanceen labadii dhinacba. Waxaan golaha guurtida u sheegayaa in ay abaal weyn u hayaan dadka reer Somaliland oo ogsoon kaalinta ay kaga jiraan qaranka Somaliland iyo sida ay nabadgelyadiisa dhidibada ugu taageen. Mar kale waxaan golaha guurtida leeyahay hambalyo.”