Cabdi Iley Oo Shalay Maxkamadi Ka Diiday Damaanad Uu Dalbaday InLagu Sii Daayo Iyo Booliska Oo Dalbaday 14 Cisho Oo Baadhis Ah

40
12896

Hargeysa(Geeska)-Waxa shalay maxkamad ku taala magaalada Addis Ababa
ee Itoobiya la horgeeyay madaxweynihii hore ee deegaanka Soomalida
Cabdi Maxamuud Cumar iyo saddex ruux oo kale.

Warbaahinta dawladda Itoobiya ayaa sheegtay in Cabdi Iiley iyo saddex
ruux oo kale la horgeeyay maxkamadda si loogu oogo dacwado salka ku
haya inay ku lug lahaayeen dunuub ka dhan ah xuquuqda aadamaha iyo
gabood falo kale oo ka dhacay magaalada Jigjiga iyo deegaanada ku
xeeran.

Sida ay warbaahinta Itoobiya sheegtay Cabdi Maxamuud cumar, ayaa
maxkamadda ka dalbaday in damaanad lagu sii daayo arrimo caafimaad
dartood, laakiin Booliska ayaa iyaguna dhinacooda dalbaday in la siiyo
14 cisho oo dheeraad ah si ay baadhistooda u soo dhammaystiraan.

Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa la sheegay inuu ku dooday inuu leeyahay
wadne xanuun islamarkaana uu tabcaan ahaa maalintii Salaasadii ee uu
xabsiga ku jiray, sidaas daraadeedna laga ogolaado damiinka oo ay
maxkamadu dacwada dhagaysto isagoo banaanka jooga.

Maxkamadda ayaa maanta go’aamisay in la isugu soo noqdo fadhi labaad
oo ay garsoorku go’aan kaga gaadhi doonaan damaanadda uu dalbaday
Cabdi Maxamuud Cumar.

Inkastoo aanay warbaahinta Itoobiya baahin magacyada saddexda ruux ee
maxkamadda ku weheliyay Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa warar soo baxay
waxay sheegayaan inay kala yihiin Raxma Maxamed oo dawladiisa u
qaabilsanayd arrimaha haweenka iyo carruurta, Ibraahim Mubaarak oo
ahaa maayarka Jigjiga iyo ruux  kale oo magaciisa lagu sheegay
Cabdirisaaq Saxane.

Waxa kale oo ay wararku sheegayaan inay maxkamadu sidoo kale iyagoo
maqan dhagaysiga dacwadooda liiskan shalay ku dartay Cabdi Jamaal
Qoloombi oo ahaa madaxii cadaaladda ee deegaanka Soomaalida Itoobiya
iyo Ibraahim Aadan Mahad oo isna ahaa madaxii waxbarashada oo
labadoodaba dhawaan lagu qabtay magaalada Hargeysa ee Somaliland balse
la sii daayay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here