Caafimaad Darrada Maqaarka iyo Is Xoqista Habeenkii Waa Calaamad Muujinaysa in Qofku Nafsad ahaan u Buko

34
3180

London (Geeska) Dr. Kurt Zajkovski oo ah dhakhtar u dhashay dalka Jarmalka oo ku xeeldheer cudurrada maqaarka ayaa sheegay in xanuunnada maqaarka sababtoodu ay marmar badan la xidhiidho xaalado nafsi ah. In kasta oo aan Meesha laga saari karin asalka ah in uu yahay xanuun ku iman kara sababo kale oo la mid ah xanuunnada caadiga ah ee jidhka ku ama xubnaha ku dhaca.

Dhakhtarku waxa uu sheegay in xaaladaha caafimaad darro ee maqaarku ay calaamad u noqon karaan xanuun nafsi ah oo khatar ah in uu qofku qabo. Waxa aanay inta badan xaaladahaas nafsiga ahi noqdaan qulubka iyo warwarka, qulubka iyo diiqadda nafsiga ah. Waxaa ka mid ah marka uu qofku ku jiro dhibaato dhinaca dareenka ah sida jacaylka iyo warwarka la xidhiidha shaqada.

Dhakhtarku waxa uu sheegay in qofka oo habeenkii is xoqaa ay inta badan tahay calaamad muujinaysa in xaaladdaas xoqniinka iyo dhibaato maqaar oo kalaba keenaysaa ay tahay xaalad caafimaad darro nafsiya oo uu qabo. Waxa uu sheegay in is xoqistu ay inta badan qofka ku badato marka aanu jidh ahaan raaxo u dareemayn. Ugu dambayntii waxa uu ku taliyey in qofku haddii habeenkii uu aad isu xoqo ay u fiican tahay in uu dhaqso ula xidhiidho dhakhtar nafsiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here