Burushka Wejiga, Talefanka Gacanta, Dharka Hoose, Tuwaalka Maydhashada Iyo Gacan-Qaadku Dhammaan Waxa Ay Saamayn Ku Leeyihiin Caafimaadka

32
3770

Hargeysa (Geeska)- Waxaa jira ficillo badan oo dadku ay sameeyaan iyaga oo aan dhaadsanayn in ay khatar ku yihiin caafimaadka, laakiin ay xeeldheereyaasha caafimaadku caddeeyeen in ay raad taban ama togan ku yeelan karaan caafimaadka qofka. Qormadan oo uu Geeska Afrika turjumay waxa ay shabakadda wararka ee Alcarabiya ku eegaysaa  qaar ka mid ah caadooyinkaas oo ay ka soo xigatay shabakadda wararka caafimaadka baahisay ee Bold Sky.

  1. Burushka wejiga la mariyo oo aan la iska nadiifin: Burushyada lagu isticmaalo bootarka wejiga la mariyo ayaa ay khubaradu caddeeyeen in ay xambaarsan yihiin bakteeriyo kala duwan oo ka dhasha hadhaaga bootarrada wejiga lagu qurxiyo iyo unugyada dhintay ee wejiga oo marka buruska la mariyo soo raaca, sidaa awgeed in si fiican loo nadiifin waayo, joogtana loo maydhi waayaa waxa ay sababtaa bukaan ku yimaadda maqaarka wejiga.
  2. Go’aha sariirta iyo galka barkimada: Cilmibaadhiso la sameeyey ayaa xaqiijiyey in maqaarka qofku uu xilliga hurdada soo daayo dhidid isu geynta sannadkii noqonaya qiyaas ah 26 Galaan oo dhidid ah. dhididkaasi waxa uu sabababaa qoyaas diirran oo furaashku dareemo, sida cilmi ahaan la ogyahayna xaaladdaas oo kale waxa ay ku noolaan kara bakteeriyada iyo dulinka ili-maqabatayga ah ee cudurrada sababa. Sidaa awgeed waxa ay khubarada caafimaadku ku talinayaan in lagu dadaalo in si joogto ah loo maydho loona beddelo galka barkimada iyo go’a furaasha ugu yaraan toddobaad kasta hal mar.
  3. Nadaafadda Talefanka gacanta

Talefanka gacanta oo ah shayga ay gacantu ugu haynta badan tahay waxaa oogadiisa ku nool jeermisyo aad u kala duwan. Dhakhaatiirta caafimaadku waxa ay ku taliyaan in la nadiifiyo si joogto ah, si looga hortago in xaalado caafimaad darro ka dhashaan.

  1. Dharka hoose: Dharka hoose (Garanka / nigiska iwm) dhididka awgeed waxa ay u nugul yihiin ama u dhowyihiin in ay yeeshaan jeermis badan ama in qoyaan aan nadiif ahayni gaadho, sidaa awgeed waxa ay khubarada caafimaadku ku taliyaan in maalin kasta la beddelo garanka iyo nigiska iyo guud ahaan dharka hoosta laga gashado, haddii kale uu qofku halis u yahay cudurrada ku dhaca maqaarka.
  2. Buusha weelka lagu nadiifiyo: Buushka weelka lagu nadiifiyaa waxa uu u nugul yahay in ay ku noolaato bakteeriyada xanuunnada sababtaa, sidaa awgeed waxa ay khubaradu sheegeen in ay fiican tahay in aan muddo dheer la isticmaalin burushkaas iyo in nadaafaddiisa la ilaaliyo.
  3. Tuwaalka maydhashada: Tuwaalka jidhka lagu qallijiyo maydhashada kadib waxaa jecel oo aad ugu noolaata bakteeriyada, sidaa awgeed waxa ay khubaradu ku talinayaan in muddo marka la isticmaalaba la beddelo iyada oo aan la sugayn inta ay nadiif noqonayaan.
  4. Dharka jimicsiga: Waxaa fiican in isla marka uu qofku jimicsiga dhammeeyo uu beddelo dharka jimicsiga ee uu xidhnaa, si uu uga hortago in ay jidhkiisa ku dul qallalaan. Waxa ay khubarada caafimaadku sheegeen in dhididka badan ee xilliga jimicsiga haddii aan laga maydhan ay ka halan karto bakteeriyo iyo jeermis kala duwan oo qofka ku keena xaalado caafimaad darro oo ay ka mid tahay in maqaarku cuncun yeesho.
  5. Gacanqaadka kadib: Sida caadiga ah waxaa dhaqankeenna ka mid ah in salaanta aynu isku gacan qaadno, laakiin waxaa suurtogal ah in dadka kala duwan ee aynu gacan qaadaynaa aanay si isku mid ah nadaafadda gacmahooda u ilaalin ama yeelan karaan xanuunno laga yaabo in aanay qudhoodu isku ogeyn oo dhididku gudbinayo, sidaa awgeed waxa a ykhubarada caafimaadku k utalinayaan in aanay qasab ahayn in qof kasta la gacan qaado iyo in qofku ku dadaal in uu dhawro caafimaadka gacantiisa, gaar ahaan marka uu wax cunayo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here