“Berbera: Itoobiya Kuma Taalo, Soomaaliyana Kuma Taalo, Waxay Ku Taalaa Somaliland, Amuuraheedana Ka Talisa”

38
3442

Hargeysa (Geeska)-Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay, aragtideeda ku waajahan safarkii uu Raysal-wasaaraha Itoobiya ku tagay dalka Somaliya, qodobadii ay labada dhinac ka wada hadleen iyo saamaynta ay Somaliland ku yeelan karto.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa wuxuu waraysigu u dhacay sidan:

Raysal-wasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha Somaliya waxay ka wada hadleen iskaashiga dhaqaale ee labada dal, iyo inay Itoobiya isticmaasho afar Dekaddood. Malaga yaabaa inay dekedda Berbera ku jirto dekedahaas?

Kolay anigu meel ay ku qoran tahay Dekadda Berbera maan arag, qoraalkiina kuma qorna, Berberina Itoobiya kuma taalo, Somaliyana kuma taalo, waxay ku taala Somaliland, amuuraheedana Somaliland baa ka talisa, cidii wax ka qabanaysaa waxay kala hadlaysaa Somaliland, Dekaddaha ay iyagu iska kaashanayaan iyaga ayey jirtaa, laakiin inaga inama khuseeyo.

Raysal-wasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha Somaliya sidoo kale waxay ka hadleen arinta midnimada labadaas dal sidee ayaad u aragtaa?

Runtii wixii iyaga khuseeya inay ka wada hadlaan xaq bay u leeyihiin, laakiin wixii inaga ina khuseeya, inaga mooye cid kale xaq uma laha inay ka hadasho.

Socdaalkan uu Raysal-wasaaraha Itoobiya uu ku tagay Somaliya, iyo qodobada ay ku heshiiyeen Somaliya, saamayn intee leeg ayuu ku yeelan karaa xidhiidhkii u dhexeeyey Somaliland iyo Itoobiya iyo sidoo kale saamigii laga siiyey Dekadda Berbera?

U maleeyn maayo inuu saamayn ku yeelayo, oo Wadamada jaarka oo dhan wuu soo maray,Jabuuti buu tagay, Uganda ayuu tagay, Kenya ayuu tagay, Somaliya ayuu tagay, markaas safarka uu Somaliya ku tagay waxba kama duwana safarka uu Kenya ku tagay,saamigii Dekadda Berberana waxba iskamay bedelin.

Haddii Beesha Caalamku ku cadaadiso Somaliland inay ciidamadeeda kala soo baxdo Tuko-raq, maxa Xukuumad ahaan idinka meel yalaa?

Somaliland cid ku amri kartaa ma jirto halkay ciidamadeedu tagayaan, go’aanka ah halkay Ciidamadeedu tagayaan Somaliland baa iska leh.

Sidee ayaad u aragtaa dooda Puntland ee ah inay Somaliland ku soo xad gudubtay?

Inaga waa la inaga gardaran yahay, Puntland weerar qaawan bay inagu soo qaaday, waxaanan Puntland ugu baaqayaa inay ixtiraamto xuduudaha caalamka, oo aynu ku wada noolano wanaag, walaaltinimo iyo nabad,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here