Barnaamijyada Nadiifinta Xusuusta Taleefanka Ama Kombiyuutarku Malaha Faa’iido La Taaban Karo

33
4050

Berlin (Geeska) – Waxaa jira maalin kastana soo baxa barnaamijyo lagu sheego in ay nadiifiyaan xusuusta taleefanka gacanta ama kombiyuutarka iyo aaladaha la midka ah, qaybtooda kaydintu wax dheeraad ah u qaaddo, ama in ay wanaajiyaan shaqadooda oo ay ugu horreyso in ay culayska ka ilaaliyaan, laakiin waxa ay xeeldheereyaashu sheegeen in aanay waxba tarin ama ay leeyihiin faa’iido aad u yar oo aan macno ku soo kordhinayn qalabkan.

Warbixin lagu daabacay shabakadda Mobilesicher.de oo ka faalloota arrimaha tiknoolajiyadda ayaa lagu sheegay in barnaamijyadan oo caan ku ah magaca ‘Cleaner’ ay inta badan leeyihiin xayeysiisyo si aad u xadhaaf ah loogu faafiyo baraha kala duwan ee internet ka. Laakiin baadhisaha lagu sameeyey ay caddaynayaan in aanay lahayn faa’iido la taaban karo. Waxa ay xeeldheereyaashu si gaar ah hoosta uga xariiqeen in gaar ahaan aanay waxba ku soo kordhin taleefannada iyo qalabka kale ee ku shaqeeyo barnamaijka Android ee ay soo saarto shirkadda Google.

Marka laga yimaaddo in aanay barnaamijyadani lahayn faa’iidada inta badan lagu xayeysiiyo, waxaa ku lammaan xayeysiisyo aad u tiro badan iyo codsiyo isdaba joog ah oo ogolaanshiyo, kuwaas oo qofka ka mashquuliya hawlihiisa. Waxaa intaasba ka sii daran in barnaamijyadan lagu sheego in ay fududeeyaan kombiyuutarrada iyo taleefannada gacantu ay u badan yihiin barnaamijyo loo samaystay in lagu basaaso qalabkan, ama in wakaaladaha sirdoonku ay soo raacsadaan barnaamijku ku lammaan oo u fududeeya basaasidda taleefanka ama kombiyuutarka. Waxaa iyaduna jirta marar badan oo ay budhcadda internet ku adeegsato barnaamijyadan oo ay iyagu samaysteen ama kuwo sii jiray oo ay soo dhex maraan si ay u jabsadaan kombiyuutarka ama taleefanka gacanta, ama si ay ugu sii daayaan Fayras dilaha.

Ugu dambayntii waxa ay xeeldheereyaashu ka digayaan in si degdeg ah aad isaga soo dejisato barnaamijyada ku andacooda in ay nadiifinayaan ama ballaadhinayaan xusuusta / mugga taleefankaaga ama kombiyuutarkaaga ama in ay qaboojinayaan iyo in ay wanaajinayaan shaqada mishiinka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here