Barnaamijka SMEF Oo Lagu Maalgalinayo Ganacstada Yaryar Iyo Kuwa Dhexe Oo La Daahfuray

0
732

Hargeysa (Geeska)- Waxaa maanta Hotel Ambassador Magalaad Hargiesa lagu qabtay daahfurka Barmaamijka Kobcinta Gancsiga ee magaciisa loo yaqaano small and médium Enterprise facility “SMEF”. 

IMG_3835.jpg

Barmaamijkan waxaa maal galiyey Baniga Addunka, waxana fulinaysa  shirkadda caalamiga ah ee BDO LLP. 

Barmaamijkan SMEF ayaa waxa uu si toos u tageeri doonaa ganacsiyada yar yar iyo kuwa dhexe ee gaarka loo leeyahay iyada oo aqoontooda ganacsi la dhisi doono sido kalena laga tageeri doono wixii cawimo xaga farsamada ah ee ay u baahan yihiin.

Barmaamijkan SMEF ayaa waxa la hirgalin doonaa dhamaan gobolada Jamhuuriyada Somaliland, waxaana ka faa’iidaysan doona: 

-Dadka leh ganacsiyada yar iyo kuwa dhexa

-Dadka maalgashadayaasha ah ,

-Shirkadaha iyo shaqsiyaadka bixiya adeegyada kor u qaada xirfadaha iyo aqoonta ganacsatada ama siiya tababarada.

-Waxa kale oo iyana ka faa’iidaysan doona xarumaha tababarka iyo kor u qaadida farsamooyinka.

Sidoo kale Barmaamijkan SMEF waxaa xirfadaha lagu shaqo tago uu bari donaa ilaa 250 hablood oo da’doodu u dhaxayso 16-28 Jir.

SMEF waxaa uu qayb ka yahay barmaamijka guud ee  Bangiga Adduunku  maaligaliyey ee la yidhaahdo “ Somali Core Economic Institutions and Opportunities (SCORE) Program”.

Haddaba munaasabaddan loo qabtay daahfurka barnaamijka waxaa ka soo qayb galay Wasiiro, Agaasimayaal, xubno ka socda Baanka Adduunka, Ganacsato iyo marti sharaf waxaana ugu horeyn munaasibadan ka hadlay, wasiirka wasaaradda Ganacsiga Xuseen Aadan Cigge (Xuseen Deyr), hadalladii uu halkaa ka jeediyey ay ka mid ahaayeen, “Sharaf-bay ii tahay in aan idin kala soo qayb-galo daahfurka mashruuca kobcinta ganacsiga ee “SMEF” runtii Mashruucani waxa ka Masuul ah Baanka adduunka, waxaanna fullinaysa Hay’adda la yidhaahdo BDO LLP oo ah laba Hay’addood, oo ku guulaystay inay Mashruucan fulliyaan, markaa dhinacyada uu khuseeyo oo dhan marka la eeggo dulucdiisu waxay noqonaysaa Mashruuc loogu talo-galay in lagu kobciyo ganacsiyadda yar yar”

Wasiirka oo sii wata hadalkiisu waxa uu sii faahfaahiyey barnaamijkan oo uu yidhi, “Mashruucani waa mashruuc  loogu talo-galay inay ka faa’iidaystaan shirkaddaha yaryar ee soo koraaya ee u baahan  gacan qabasho hanna noqoto mid Aqoonneed ama ha noqoto in loo tabbabaro sidii ay kor ugu qaadi lahaayeen ganacsigoodda. Dalkasta waxa laf-dhabar u ah Shirkaddaha yar yar iyo kuwa dhexe oo ah Mashiinka dhaqaajiya dhaqaalaha dalkaas”

Wasiirka Duulista Hawada  Cumar Sheekh Maxamed Faarax oo isna munaasibadaas ka hadlay ayaa waxaa hadalladiisa ka mid ahaa, “Lacagta mashruucan looguma talo-gelin in Geela lagu raaco, looguma talo-gelin in Seero lagu ooto oo laba geed oo Liin ah laga beero, innagaa nafteenna khiyaamaynayna, dalka waxa horumariya waa ganacsiga dhexe iyo ganacsiga yar yar”

Marwo Edna Aadan Ismaaciil oo iyaduna ka mid ahayd dadkii ka hadlay daahfurka mashruucay ayaa waxaa hadalladeeda ka mid ahaa, “Haddii Shaqo abuuris laga hadlaayo waxa habboon in la eego meelaha ay  ka suurto-galayaan, iyaddoo Haweenka wax la gashaddo, waayo Haweenku hawlo badan ayay idinka hayaan, Caruurta way korriyaan, wixii la barro ee la gashaddo faa’iiddo badan ayaa ka soo baxda. Hablaha yar yar ee aan waxbaray ma jirto mid qudha oo aan ku khasaaray.”

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Xasan Cumar Hoorri oo isna munaasibadaas ka hadlay ayaa ku taliyey in mashruucan sida uu yahay looga faa’iidaysto, waxaanu tilmaamay inuu faa’iido badan leeyahay

Guddoomiye ku-xigeenka Rugta Ganacsiga Jamaal Caydiid Ibraahim oo isna ka hadlay munaasibadan ayaa tilmaamay in mashruucani yahay mashruucan balaadhan oo faa’iido u leh ganacstada yar yar iyo kuwa dhexe, waxaanu ku taliyey in sida ugu haboon looga faa’iidaysto.