Arrin Naxdin Leh: Gabadh Saddex Jir Ah Oo Si Xun Loogu Dilay Magaalada Laascaanood

0
686

Laasacaanood(Geeska)-Gabadh yar oo saddex jir ay ayaa maydkeeda oo nabaro ku yaalaan laga helay magaalada Laasacaanood ee gobalka Sool.

Gabadhan yar oo ay ka muuqdaan nabaro argagax lihi, waxa la waayay habeen hore, laakiin subaxnimadii shalay ayaa maydkeeda laga helay duleedka gurigooda, waxaana gabadhan yar dhalay aabo u dhashay Koonfur-galbeed Soomaaliya. Waxaanu aabahan iyo weliba hooyada gabadhan yar dhashay ay warameen falkan naxdinta leh ee ay la kulmeen, waxaana arrintan si weyn uga naxay ugana xumaaday bulshada reer Lascanod.

Badhasaab ku xigeenka gobalka Sool Maxamuud Axmed ayaa isaguna shacbiga Laasacaanood ugu baaqay inay is dejiyaan isla markaasna ay baadhitaanka ka warsugaan, waxaana dadweynaha magaalada la soo darsay cabsi kadib markii ay u arkeen in gabadha yar la qashay.

Yaxye Muuday oo ah aabaha dhalay gabadhan yar ee maydheekda la helay oo la hadlaayay saxaafadda waxa uu yidhi" Markii aanu isla cashaynay kadib ayaa la sheegay in gabadhii la waayay markaas sidaanu gabadhii u raadinaynay xalay oo dhan ayaanu markii danbe qolada warlaliska ee baadhitaanka aanu warkeeda gaynay, sagaalkii iyo badhkii ayaa walaalkay loo soo sheegay oo uu yidhi maydkii guriga ayuu idiin yaala isagaana soo qaaday, "

Hooyada dhashay gabadhan sadedx jirka ah ee maydkeeda la helay ayaa iyaduna dhankeeda sidan ku warbixisay"Gabadhayda maqrib iyo cishaa'i dhexdooda ayaan waayay, waxaan u malaynaayay inay hooyaday raacday, mar danbe hooyaday oo ii timi ayaa tidhi gabadhii aaway, markaasaan ku idhi hooyo adiga soo kumay raacin, markaas aabaheed ayaan u yeedhay oo aan ku idhi Yaxyoow tii yarayd way maqantahay intii waagu ka baryaayay waanu baadhaynay meelkaastana waanu marnay."

Maxamuud Axmed Maxamed guddoomiye ku xigeenka gobalka Sool ayaa shacbiga magaaladaas ugu baaqay inay is dajiyaan isla markaasna baadhitaanka ay ka warsugaan, waxaanu tilmaamay inaan gabadha la qalan ee ay dileen dad gaar ahi, "Xalay dhacdo ayaa ka dhacday magaalada oo markii hore baqdin ayay nagu abuurtay, dadweynaha Laasacaanoodna waxay isla dhex marayeen waa la qashay, wax la qashayna ma jiraan qaliin midiyo ahina kuma yaalo ee nabaro ayaa ku yaala baadhis ayaana ku socota oo dib ayaanu warka uga soo sheegi doonaa, reer Laasacaanood hays dajiyaan cid mindiyo wax ku qalatayna ma jiraan sidii hawshu loo dhigay ee markii hore loo sheegay maaha ."

Gabadhan yar waxa ka muuqda nabaro muujinaya in la ciijiyay oo cunaha la qabtay, waxaana dilkeedu uu murugo ku abuuray bulshada reer Lascanod, waxaana la isweydiinayaa cidda dishay ilmo yar oo 3 jir ah, waxase ay maamulka gobalku ku baaqeen in laga war sugo baadhista Booliska.