Aragtidii Uu Madaxweyne Siilaanyo 2008 Ka Aaminsanaa Magacaabista Degmooyinka Xilliga Doorashada

0
856

Hargeysa(Geeska)-Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo wuxuu shalay magacaabay laba degmo oo cusub oo kala ah Masalaha Gorad oo ah degmo ka tirsanaan doonta gobalka Togdheer iyo Cali aXaydh oo ah degmo ka tirsanaan doonta Gobalka Awdal.

Degmooyinkan cusub ayaa ka mid noqonaya raxan degmooyin iyo gobalo ah oo uu madaxweyne Siilaanyo magacaabay mudadii toddobada sanadood ahayd ee uu xilka hayay, mana jiro wax qorshe ah oo weli loo sameeyay degmooyinkan iyo gobaladan cusub ee uu madaxweynuhu Magacaabay. Xataa degmooyinkii iyo gobaladii uu magacaabay Madaxweyne Rayaale ayaan iyagana loo samayn wax qorshe ah.

Haddaba, waxa muhiim ah in dib loo milicsado aragtidii uu madaxweyne Siilaanyo degmooyinka iyo gobalada cusub ee la magacaabo xilliga doorashada ka aaminsanaa wakhtigii uu mucaaradka ahaa ee uu Daahir Rayaale Kaahin xilka hayay.

Madaxweyne Rayaale ayaa March 2008 wuxuu magacaabay degmooyin cusub oo ka mid noqday gobalada kala duwan ee Somaliland. Wargeyska Geeska Afrika ayaa 23 March  2008 wuxuu Madaxweyne Siilaanyo oo mucaarad ahaa weydiiyay sida uu u arko degmooyinkaas uu Daahir Rayaale Magacaabay, waxaanu Axmed Siilaanyo wakhtigaas yidhi “Horta annagu [KULMIYE], gobolada iyo degmooyinka samayntooda kama soo horjeedno, gobalada qaar badan ayaa jira oo aanu annagu balan qaadnay, farsamo ahaan iyo hawlahoodiiba wax la geli doono weeye. Haddii dalka gobalo iyo degmooyin loo badinayo waa wax aanu soo dhawaynayno oo diidi mayno, farsamo ahaan siday noqon doontana waa halkeeda. Laakiin annagu waxaanu u aragnaa inay tahay wax doorashada lagu galayo oo la doonayo in doorashada dad lagu soo jiito oo loogu tallo galay.”

Madaxweyne siilaanyo wuxuu degmooyinkan  magacaabay iyadoo ay doorashadii madaxtoyada ka hadhay wax ka yar saddex bilood, waxaanu wakhtigaas aaminsanaa in ujeedada degmooyinku tahay ololaha doorashada ee aanay ahayn dan qaran, waxaanu wakhtigaas yidhi “Wakhtiga lagu beegay iyo intaas oo dhanba waa cadaan inay tahay arrin doorashada loogu tallo galay, markasta oo ay doorasho timaadana waxyaabo badan ayuu balan qaadayay sida wadooyinka  oo aan wax badani ka hirgelin. Markaas annagu caam ahaan gobalo iyo degmooyin in dalka loo sameeyo waa halkeeda oo waxba kama qabno oo waanu soo dhawaynaynaa, laakiin arrintan waxaanu u aragnaa inay daarantaay arrin doorashada lagu galayo.”