Amiirka Leh Dhaxalka Boqortooyada Ingiriiska Oo Isaga Oo BBC Metalaya Waraysi Ka Qaaday Barak Obama

25
4053

London (Geeska)- Wiilka leh dhaxalka boqortooyada dalka Ingiriiska Amiir Hary Charless ayaa maalmihii u dambeeyey ku gudo jiray tababar dhinaca warbaahinta ah, taas oo markii uu u gudbay barashada qaybta tebinta wararka ee Idaacadaha uu uga faa’idaystay in uu waraysi la yeesho dad magac ku leh dunida.

Amiir Harry oo tababarkan-shaqo ku jooga idaacadda BBC laanteeda Kanaal 4. Waxa kale waxa uu waraysiyadan mid ka mid ah oo la sii daayey Arbacadii toddobaadki ina dhaafay, la yeeshay madaxweynihii hore ee Maraykanka Barak Obama.

Amiir waxa uu waraysigiisan xoogga ku saaray arrimo la xidhiidha caafimaadka maskaxda  iyo ciidamada, hadallada xiisaha leh ee uu Obama u sheegayna waxaa ka mid ahaa; in markii uu ka tegey Guriga Cad uu dareemayey nafisanaan badan iyo raaxo niyadda ah.

Obama waxa uu sheegay in isaga oo og aanay u suurtogelin qabashada wax badan oo ka mid ah arrimihii uu doonayey in uu qabto muddada uu xilka madaxweynaha Maraykanka hay, haddana maalintii xilku ka dhammaaday uu dareemayey culays badan oo ka dhacay iyo in maskaxdiisu dareemayso nasasho iyo farxad.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here