Adayga Iyo Taagdarrada Qabashada Gacanti Waxa Ay Ku Xidhan Tahay Awoodda Iyo Caafimaadka Maskaxda

40
2660

London (Geeska)- Cilmibaadhis cusub ayaa ka marag kacday runnimada halkudheggii hore u jiray ee ahaa, ‘Caqliga fayoobi jidhka fayow ayaa uu ku jiraa’. Waxa ay sheegtay in dadka marka ay qof salaamayaan gacantoodu xoogga badan tahay, ama awoodda u leh in ay si xoog ah tontoomo gacantooda u duubaan, ay yihiin dadka ku wanaagsan xallinta dhibaatooyinka, inta badanna dhibcaha fiican ka keena tijaabooyinka dhinaca xusuusta, sida oo kalana aad ugu fiican fahamka iyo isku xidhka hadalka. Waqtiga jawaab bixintooduna ay ka dhaqso badan tahay dadka caadiga ah.

Daraasaddan oo uu faafiyey wargeyska Daily Mail ee dalka Ingiriiska ka soo baxaa, waxa ay intaas ku dartay in sahamin lagu sameeyey dad tiradoodu ka badantahay 475 kun oo qof, lagu ogaaday in dadka ay muruqyada gacmahoodu awoodda leeyihiin ay yihin dadka maskaxdoodu fiican tahay.

Cilmibaadhista oo ay samaysay jaamacadda Manchester ee dalka Ingiriisku waa ay intaas ku dartay in, jimicsiga iyo ciyaaraha jidhku ay yihiin hab fiican oo lagu xoojin karo awoodda maskaxeed ee qofka.

Cilmibaadhiso hore ayaa caddeeyey in dadka gacantoodu taagdaran tahay, oo tusaale ahaan marka ay qofka salaamayaan aan xoog u qaban karin, ama marka ay gacanta tontoomo / feedh duubayaan aan xoog isugu cadaadin karin ay u badan yihiin dadka ay haysato dhibaato ah dhinaca unugyada loo yaqaanno ‘Maatar cadka’ oo ah unugyo u shaqeeya sida xadhkaha xogta kombiyuutarrada qaada, oo isku xidha qaybaha maskaxda.

Waxa ay cilmibaadhistu muujisay in dadka qabashadooda gacantu xoogga leedahay ay awood dheeraad ah u leeyihiin xallinta dhibaatooyinka, sida oo kalana ay xooggan tahay awooddooda xasuusta lambarrada, si aad u xawaare sarraysana ay maskaxdoodu uga jawaab celin karto aragtida ay ishu qabato.

Isku xidhnaanta awoodda muruq ee qofka iyo awoodda maskaxeed waa mid dabiici ah. Laakiin illaa hadda cilmibaadhayaashu ma’ay ogaan in haddii la xoojiyo muruqa keenayso in ay maskaxduna awood yeelato. Waxaa arrintan caddeeyey Dr. Joseph Firth oo ahaa cilmibaadhaha ugu muhiimsanaa qorista natiijada daraasaddan, isla markaana cilmibaadhe sharafeed u ah jaamacadda Manchester, waxa aana hadalladiisa ka mid ahaa, “Waxaa noo suurtagashay in aanu aragno in xidhiidh cadi uu ka dhexeeyo awoodda muruq iyo caafimaadka maskaxeed ee qofka. Laakiin waxa aanu u baahannay in aanu baadhis dheeraad ah ku samayno bal in ay suurtagal tahay in maskaxdeenna awooddeeda aynu kordhin karno innaga oo u marayna dhisidda muruqyadeenna, sida tababarrada iyo culays qaadistu in ay maskaxda caafimaadkeeda kordhiyaan”

Dhinaca kale waxa ay cilmibaadhistu isku xidhay qabashada gacanta ee taagta daran iyo kor u kaca khatarta ah in qofka ay ka dhacdo taagdarro, lafaha oo si fudud u jaba iyo dhicista (Diidista).

Ugu dambayntii waxa ay daraasaddani sheegtay in awoodda qabasho ee gacantu ay noqon karto meel laga saadaaliyo awoodda maskaxeed ee qofka, gaar ahaan marka la eegoo dadka ay da’doodu u dhexeyso 40 sano jir illaa 55 jir, si aanay ugu qaldamin dadka da’da ah ee awood darradoodu ay tahay mid ku timi gabowga iyo taagdarrada jidhka ee da’du keentay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here