Maxkamadda Saaxil Oo Cadaysay Inaan Waaran Maxkamaded Lagu Xidhin Saxafiyiinta Berbera

0
679

Berbera(Geeska)-Maxkamadda gobalka Saaxil, ayaa mawqif cad iska taagtay saxafiyiinta ku xidhan magaalada Berbera ee gobalka Saaxil, kuwaas oo la sheegay inuu amarka xadhigooda bixiyay maayarka degmada Berbera Cabdishakuur Cidin.

13254112_10205809201904072_2175541430394961743_n

Maxkamadda gobalka Saaxil, ayaa wargeyska Geeska Afrika u xaqiijisay inaan saxafiyiintaas lagu xidhin waaran ay maxkamadu soo saartay, islamarkaana aan maxkamadda lagu horkeenin wakhtiga sharcigu jideeyay.

Sidaas daraadeed maxkamadu, waxa ay amartay in weriyayaasha maanta la horkeeno maxkamadda, si cidda dacwadda u haysataa ay u keento dacwadda ay ku oogayso saxafiyiintan.

Saxafiyiintan ayaa waxa amarka lagu xidhay bixiyay maayarka Berbera oo ka xanaaqay warka xildhibaan hadalo kulul la hortagay weftigii shirkadda DP World, kaas oo ay saxafiyiintu baahiyeen warkiisii.

Hay’adaha ilaalinta xuquuqal insaanka ee Human Right Center iyo ururka SOLJA ayaa si weyn u cambaareeyay xadhiga saxafiyiintan oo ay ku tilmaameen inuu yahay mid sharci darro ah.

Talaabadan ay maxkamadda gobalka Saaxil qaaday ayaa muujinaysa sida uu isbedel ugu yimid garsoorkii dalka tan iyo intii uu guddoomiyaha maxkamadda sare Dr. Aadan Xaaji Cali Axmed noqday guddoomiyaha guddiga cadaaladda iyo guddoomiyaha maxkamadda sare.