Ururka SOLJA Oo Ka Hadlay Weriyayaal Loo Xidhay Baahinta Hadalo Gubay Weftigii DP World

0
579

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha ururka SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac, ayaa maayarka magaalada Berbera Cabdishakuur Cidin ku eedeeyay xadhiga weriyayaal baahiyay hadal uu mid ka mid ah xildhibaanada golaha deegaanka Berbera ku yidhi madaxda shirkadda DP world oo ahaa hadal garnaqsi ah.

aaaa

Maayarka Berbera iyo Booliska ayaa hadimeeyay saxafiyiintii warkaas baahiyay oo maayarka ka diiday inay hoosta dhigaan doodda xildhibaankaasi la hortagay weftiga Carbeed. Warsaxaafadeedka SOLJA wuxuu u dhignaa sidan “Ururka Suxufiyiinta Somalilan SOLJA waxa uu canbaaraynayaa talaabada ay ciidamadda Booliiska iyo Maayarka magaaladda Berbera C/shakuur Maxamuud Xasan Cidin ay  kula kaceen wariyayaasha Gobolka Saaxil oo ay kula kaceen xadhig, Garaacis iyo baacsi, kuwaas oo aan wax danbi ah galin, marka laga yimaado warar ay ka baahiyeen xildhibaano ka tirsan Golaha deegaanka oo la kala yidhaa Saleebaan Cali Khayre iyo Jaamac Warsame Haakidaa, kuwaas oo uu Maayarku la kulansiiyey weftigii ka socday shirkadda DP World ee ay xukuumaddu Heshiiska kula gashay Dekedda Berbera.

Booliiska Berbera waxay xidheen wariyayaasha kala ah Mukhtaar C/raxmaan Maxamuud oo ka tirsan Hogaanka sare ee SOLJA, kana hawl-gala Telefishanka qaranka, Axmed Siciid Maxamed oo ka tirsan Kalsan Tv, C/raxmaan Cige oo ka shaqeeya Somalinews, Muuse Jaamac Galay  oo ah Somali-cable iyo Sidiiq Carab Saleebaan oo isna ah wariyayaasha Telefishanka SBC. Halka ay Booliiska baadi-goobayaan wariyayaal kale.

Wariyayaashan ayaa lagu xidhay goob loogu talogalay dadka Dilka loo haysto, iyadoo ah qol Seelo ah oo ay adagtahay inay ku sii xidhnaadaan wariyayaashaas sida sharci darro-da loo xidhay, maadaama danbi ay galeen oo ay xukuumaddu ku haysataa aanay jirin, isla markaana Suuqa badhtankiisa laga qabtay, iyadoo sida ay sheegeen Jidh-dil loo gaystay.

SOLJA waxay ka xun tahay in Maayarku Tahdiid, hanjabaad iyo Cagojuglayn isugu daro wariyayaashii ka qayb galay kulankii uu soo abaabulay ee ay ka hadleen labada xildhibaan ee uu warkooda ku hayso suxufiyiintii tabisay, isagoo intaanay baahinba ku amray inaanay qaadan warkooda ee ay qaataan xildhibaanadii sida Duuduubka ah u taageersanayd Heshiika Dekedda Berbera, taasoo dhalisay in uu ficil ahaan ugu kaco balanqaadkiisii uu shalay ku weeraray ee ahayd in uu talaabo ka qaadi doono wariyaha amarkiisa qaadan waaya.

Ururka SOLJA iyo Suxufiyiinta Somaliland-ba waxay ku shaqeeyaan  xushmadda iyo Karaamadda ay  Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Xeerka Saxaafaddu-ba u damaanad qaadeen inay kaga hawl-gali karaan Dalka Somaliland si madax banaan, isla markaana ay dadweynaha u tabin karaan Wararka khuseeya iyagoo tixgalinaya xuquuqda ay u leeyhiin inay ku ogaadaan arrimaha Masiirkooda, Dhaqaalahooda, Amnigooda iyo Noloshoodaba taabanaya.

Dastuurka Somaliland iyo Xeerka Saxaafaddu-ba waxay ku waajibinayaan masuuliyiinta Qaranka inay si furan oo aan sir iyo qarsoodi ahayn bulshada iyo hay’adaha kale ee Qarankaba ugu bandhigaan Heshiisyada iyo hawlaha kale ee ay fulinayaan, gaar ahaana waxay ku waajibayaan inay Suxufiyiinta u gudbiyaan qoraalada iyo xogaha rasmiga ah.”