Xukuumadda Oo Ka Hadashay Xadhiga Sheekh Aadan Sune

0
698

Hargeysa(Geeska)-Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay xadhiga Sheekh Aadan Cabdiraxmaan Warsame (Aadan Sune) oo habeen hore ciidamada Boolisku gurigiisa kala baxeen.

1

Afhayeenka ciidamda booliska Somaliland gaashanle Sare Faysal Xiis oo shalay saxaafadda la hadlay wuxuu sheegay in Boolisku xadhiga Sheekha u mareen sifo sharci ah  “Waxaanu halkan idinka sheegayna in xalay [habeen hore] oo bishu aheyd laba  ay saacaduna aheyd ilaa 12:20 habeenimo  ciidanka boolisku waxaa ay soo qabteen oo ay xarunta C.I.D  ku xidheen sheekh Aadan Cabdiraxmaan Warsame (Aadan Sunne)  sheekhaasi waxaa uu ku kacey falal nabad galyo daro oo khatar ku ah bulshada Somaliland .”

Afhayeenku wuxuu intaas raaciyay oo uu yidhi “Hadhoow baad iska odhan doontan Sheekh baa la isku soo xidhay la iskama soo xidhin ee dariiqii sharciga ahaa baa loo maray danbigaas uu galay kiiskiisa waa la baadhey warqada qabashada maxkamada ayaa u soo jartey oo uu ku xidhan yahay  waxaan deg deg loo geyn hor geyn doona maxkamada. ”