Madaxweyne Siilaanyo Oo Xalay Xilkii Ka Qaaday Wasiirka Isgaadhsiinta & Boosaha Iyo Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha

0
526

Hargeysa(Geeska)-Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa xalay xilkii ka qaaday wasiirkii Boosaha Maxamed Jaamac Abgaal iyo taliyihii ciidanka ilaalada xeebaha sareeye guuto Maxamed Xuseen Faarax.

1

Wuxuu Madaxweyne Siilaanyo, labadan masuul ku eedeeyay inay fulin waayeen awaamiir uu sheegay inuu faray, kuwaas oo aanu cadayn. Digreetada Madaxweyne Siilaanyo oo xalay goor dambe soo baxday ayaa u dhignayd sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay,JSL/M/XILQ/249/1-3973/042016 uu xilalkii ay qaranka u hayeen kaga qaaday, Wasiirkii Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta iyo Taliyihii Ciidanka Badda Somaliland.

Digreetada Madaxweynuhuna waxay u dhignayd Sidan:-

 1. Ujeeddo:      Xil-ka Qaadis

 Ø  Ku:      Mudane, Maxamed Jaamac Abgaal,

 Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta     

Og:Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta

 Mudane,

Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo. Haddaba, markaan arkay in aad fulin wayday awaamiirtii aan ku siiyey; waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta ee Jamhuuriyadda Somaliland. 

Sidaa darteed, waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejiso xilka aad haysay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta, Mudane, Cismaan Garaad Soofe, oo si ku meel gaadh ah u sii hayn doona inta aan cid u soo magacaabayo. 

2. Ujeeddo:   Xil-ka Qaadis

 Ø  Ku:      Sarreeyo Guuto, Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane),

 Taliyihii Hore ee Ciidanka Badda

JSL                                            

Og:      Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha 

Mudane,

Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo. Haddaba, markaan arkay in aad fulin wayday awaamiirtii aan ku siiyey; waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Taliyaha Ciidanka Badda ee Jamhuuriyadda Somaliland. 

Sidaa darteed, waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejiso xilka aad haysay Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Badda Jamhuuriyadda Somaliland, oo si ku meel gaadh ah u sii hayn doona inta aan cid u soo magacaabayo.