Dr Fadal Oo Dawladda Somaliya Ugu Baaqay In Aanay Somaliland Ku Mashquulin Faragelintana Ka Dayso

0
461

Hargeysa (Geeska)-Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Xisbiga Mucaaradka Wadani Dr Maxamed Cismaan Fadal, ayaa is barbar dhig ku sameeyey nidaamka dawladnimo ee Somaliland iyo Somaliya, waxa uu sheegay inay Somaliland tahay dal madax banaan, oo nidaamkii iyo shuruudihii dal looga baahnaa buuxiyey.

1

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Xisbiga Mucaaradka Wadani Dr Maxamed Cismaan Fadal, oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa isaga oo arimahaas ka hadlaya waxa uu yidhi "Somaliland waa dal qaan-gadhay oo habka Dimuqraadiga ku dhaqma, oo taladda dadku leeyahay, oo Dibadda iyo cid kale aanay u talin oo aayihiisa ka tashada weeye, colaadi waxay tahayna dadka Somaliland way yaqaanan, maaha dad colaada jecel, dadka walaalahooda ah ee Soomaalida ah ee colaadu haysayna waa kuwii gurigooda iyo dalkooda ku soo dhaweeyey oo waa kuwa ilaa maantana la jooga, dal walba adduunka isaga ayaa u xor ah

xuduudihiisa,socdaaladiisa,waxaanu ka filaynay  Somaliya inay qadariso waxyaabaha badan ee ay Somaliland u qabatay dadka Somaliya, markay dhibanaayeen ilaa maanta, waxay ahayd inay ku ixtiraamto Dastuurkooda xuquuqdooda iyo waxay dadka reer Somaliland xaqa u leeyihiin, oo aanay cidna u daba fadhiisaynayn, oo aanay cidna hoos imanaynin, Somaliland waa dal xor ah oo dadkiisa u taliya, cid ay xoriyadooda u daba fadhiisanayanaa ma jirto, Dawladda Somaliyana waxa aan filayaa inay waxaas oo dhan qadariso, oo ay ka waantawdo aflagaadada, xumaanta iyo shacabka walaalaha ah ee la isku dirayo, ee la dib loo hurinayo boogaha, Somaliland mucaarad, Muxaafid iyo dadkeeduba taas ayey jecel yihiin”

Dr Fadal ayaa mar uu ka hadlaayey Ictiraafka Somaliland ayaa yidhi “Somaliland waa dal madax banaan, haddii aan maanta la ictiraafin ictiraaf la’aantu madax banaani ka celin mayso, waana la icitaafi doonaa”.

Dr Fadal ayaa mar uu ka hadlaayey faragelinta  ay Dawladda Somaliya ku hayso Somaliland ayaa yidhi “Maanta Somaliya dagaaladii wey ka joogsadeen Dawladda Somaliya  rajo ayaa laga filaayey inay dadkooda iyo dalkooda u sameeyaan, inay hirgeliyaan habka dimuqraadiga ah wada tashiga dadkooda ku hirgeliyaan ayey ahayd, in wixii khiyaaliya iska daayaan, oo xaqaaqiga dalkooda ka jirta dadkooda qaxoontiga ah ee xerooyinka ku jira hab nidaam dawliya u sameeyaan ayey ahayd, waxay ahayd inay ka koraan kala takoorka, inay Doorasho qabsadaan  ayaa ahayd, balse may ahayn inay Somaliland ku mashquulaan, iyada oo Somaliland horumar ku talaabsatay, dimuqraadiyadii ka hirgashay, nidaamkii Xisbiyada badani ka hirgaleen, Doorashooyin ka dhaceen, waana wax lala yaabo iyo jahaweerar inay Dawladda Somaliya sheegato dhul iyo dad aanay lahayn,waxayna tani ka dhigan tahay dawladda Siyaad Barre oo iyada oo dagaalo ka socdaan Somaliland oo dadkoodii la qixiyey, kaamamna ku jiraan odhan  jirtay Ciyaarihii Gobolada ayaa ka socda, markaas waxa aan leeyahay Dawladda Somaliya aynu waxaas ka korno,caqliga taliye waxa aan leeyahay caqligiinu ha taliyo.

Dawladda Somaliya waxa aan leeyahay markii ay dadka reer Somaliland xoryiadooda dib ula soo noqdeen, waxa la qaatay dawladnimo, heshiis ayaa la galay, heshiiskaas Burco lagu galayna waa salka iyo dhagaxa dadka reer Somaliland ku fadhiiyaan, dawlad iyo dal madax banaana si wada jira  h u aasaastay, ee marnaba dib looga noqon  maayo dawladnimada ee dantiina ka taliya, oo faragelinta Somaliland ka daaya,”