Duuliyihii Diyaaradda Daallo Ee Qaraxu Ka Dhacay Oo Ka Hadlay Siday Wax U Dhaceen

0
586

Hargeysa(Geeska/W.Wararka)- Wargeyska Maalinlaha ee Daily Blic ee ka soo baxa caasimadda dalka Serbia ee Belgrade ayaa shalay baahiyay waraysi kooban oo lala yeeshay duuliyihii Diyaaradda Daallo Airlines ee Salaasadii uu qaraxa ka dhacay xilli ay ka duushay Garoonka Diyaraadaha ee Muqdisho.

1111111111111

Duuliyaha oo lagu magacaabo Vladimir Vodpopivec ayaa sheegay inuu filayo inuu qaraxa ahaa wixii ka dhacay gudaha Diyaaradda uu Duuliyaha ka ahaa ee Daallo Airlines, ee  Flight Number-keedu ahaa D3159.

Duuliyaha oo 64-jir ah waxa uu Wareysigiisa ku xusay inaanay wax burbur ah soo gaadhin halka laga hago Duullimaadka Diyaaradda. “Nasiib wanaag, Halka laga kontoroolo Duullimaadka ma burburin, waxaana awooday inaan soo laabto, kuna dego Garoonka” ayuu yidhi Duuliye Vladamir Vodopivec, oo intaasi ku daray inay Ilaahay mahadiisa tahay inay ku dhamaatay si wanaagsan.

Isagoo ka hadlaya sida uu u arkaayay waxa diyaaradda ka dhex dhacay wuxuu yidhi “Waxaan u malaynayaa inuu qarax ahaa, wixii ka dhacay gudaha diyaaradu.”

Duuliye Vladamir Vodopivec oo u dhashay dalka Serbia waxa uu Wareysiga uu siiyey Wargeyka Maalinlaha ee Daily Blic ku xusay inaanu marnaba la kulmi dhacdadii toddobaadkan oo kale muddadii uu ku soo dhex jiray Xirfadda Duuliyenimo.

Dhinaca kale, Diyaaradaasi oo ay la socdeen 74 qof  Rakaab ah oo ku sii jeeday dalka Jabuuti, waxaa ku dhaawacantay 2 qof.

Warar ayaa waxay sheegayaan in maydka qof ka mid ah Rakaabka oo uu qaraxa ka dhex dusiyey mid ka mid ah Daaqadaha Diyaaradda ayaa laga helay Degmadda Balcad, sida ay caddeeyeen Maamulka Degmadda.

Maydka Marxuumkaasi oo ahaa Nin Oday waxa la geeyayMuqdisho,  iyadoo la sheegay inuu qaraxu jarjaray qeybo ka mid ah jidhkiisa.