Ruushka Oo Xidhay Ganacsato Turki Ah Iyo Jawaabta Ergodon

0
579

Picture1Recep Tayyib Erdogan, Madaxweynaha Turkiga ayaa Jimcihii daraad  ka jawaabay warar sheegaya in dowladda Ruushka ay xidhtay qaar kamid ah ganacsatada Turkida ah ee ku nool dalka Ruushka.

Dowladda Ruushka ayaa sidoo kale sheegtay inay joojin doonto Safarka Fiiso la’aanta ah oo ay muwaadiniinta Turkida ku imaan jireen dalka Ruushka, waxaana jira hawlgalo ay ciidamadda amniga gudaha ugu galeen xarumaha wadankaasi ee shirkadaha ay leeyihiin Turkida.

Xukuumadda Ruushka ayaa hore ugu hanjabtay inay xayiraad dhanka dhaqaalaha iyo ganacsiga saari doonaan Turkiga, arrintan oo la xadhiidhta xiisada diyaaradii salaasadii lasoo dhaafay uu Turkiga kasoo riday militariga Ruushka.

“…In xad gudub loo geysto shacabkeena maaha mid aan yeelayno, waxaan odhon lahaa –YAAN Ruushka DAB ciyaar ka dhiganin–..” ayuu yidhi Madaxweyne Erdogan oo Jimcihii darraad saxaafadda kula hadlay magaaladda Bayburt ee dalkaasi Turkiga.

Turiga ayaa weli diidan inuu wax raali gelin ah ka bixiyo diyaaradii Ruushku lahaa oo ay ku soo rideen nawaaxiga xaduuda Siiriya, arrintaasi oo ay xukuumadda Turkiga ku sheegtay is-difaacid.

Waxaa jira warar sheegaya in labada Madaxweyne ee Erdogan iyo Putin lagu wada hadal siin doono shirweynaha looga hadlayo Cimilada Adduunka ee dhawaan ka furmaya magaalada Paris, walow uu illaa iyo hada diidan yahay Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin inuu wax wadahadal toos ah la yeesho Erdogan.