“Way Dhacdaa Dad Yidhaahda Dawlada Waa La Inqilaabayey Oo Waa La Duubay Wasiiradii. Laakiin Ninka Awooda Ku Socda Iyo Ninka Ka Tagayaa Waxba Ma Inqilabaan”

0
598

Picture5Hargeysa(Geeska)-Wasiirkii hore ee madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa markii u horaysay waraysi uu bixiyay wuxuu kaga hadlay is casilaadiisii, saamayntii uu ku lahaa wasiiradii is casilay, eedaha loo jeediyay ee ah in madaxweynihii ka badbaadya inqilaab, khilaafka KULMIYE, doorashadii Muuse Biixi iyo arrimo kale.

Wasiir Xirsi, oo uu waraysi la yeeshay Cabdirisaaq Good oo ah agaasimaha shabakadda wararka ee Hadhwanaag News, wuxuu sheegay in go’aanka is casilaadu uu isaga ku koobnaa islamarkaana aanay jirin wasiiro kale oo uu ka dalbaday inay jidkiisa raacaan; balse wuxuu sheegay inay wasiirada is casilay midaysay aragti ah inay kala aragti ka noqdeen Madaxweyne Siilaanyo masuulka loo xulayo hoggaamiyaha meteli doona KULMIYE doorashooyinka soo socda. Wasiir Xirsi, wuxuu kaloo ka hadlay sida uu u arko in lagu dhammayn karo khilaafka xisbiga KULMIYE. Waraysigaas oo uu kaga hadlay amuuro badan wuxuu u dhacay sidan.

Xisbigii Kulmiye markii uu talada dalka qabsaday waxaad ka mid noqotay golaha wasiirad, intii aanu xisbiga Kulmiye dalka qabsan maka mid ahayd?

Xisbiga Kulmiye waan ka mid ahaa waxaanan ahaa taageerayaasha oo kumaan jirin golaha dhexe iyo guddida fulinta xisbiga, laakiin macnuhu may ahayn dadka guddida fulinta ku jira ama golaha dhexe  ayuunbaa kulmiye ah, waxaan ahaa xubnihii ugu firfircoonaa ee Kulmiye ka shaqaynayey wakhtigii ka horeeyey intaanan galin guddida doorashooyinka iyo intii ka danbaysayba, waxaanan odhan karaa wax badan oo kulmiye ku faano dadkii qabtay ayaan ka mid ahaa, markaa waxaan kulmiye ka ahaa xubin aan qarsoonayn oo firfircoon,maanaan ahaaan jirin dadka xilka kulmiye ku ah waxaan ahaa qof isagu aqoontiisa, dhaqaalihiisa iyo dedaalkiisa kulmiye ku ah oo ku taageera una arkayey xiligaas inuu ahaa wakhtigii xisbiga kulmiye guulaysan lahaa, ficlana waxaan muujiyey markii kulmiye dalka qabsaday wixii uu ka qaban lahaa iyo halkii uu ka gali lahaa.”

Mudadii aad xukuumada ka tirsanayd waxaad wakhtigaaga ugu badan ku qaadatay wasaarada madaxtooyada, mudadii aad wasaaradaas joogtayna waxa laguu jeedin jiray dhaliilo aanay kula wadaagin wasiirada kale, maxaay dhaliilahaasi salka ku hayeen.?

Waxa laga yaabaa sida macquulka ah iyada oo aan qofka la tijaabin oo aan la arag shaqadiisa, aqoontiisa iyo kartidisana la tijaabin oo kartidiisa la tijaabin ayey Somalidu u badan yihiin qofka inay dhaliilaan, markaa waxaan u arkayey dhaliilo uu xilku wato , dad badana wajigaygu wuu ku cusbaa in kasta oo aan Kulmiye komishanka u qaabilsanaa oo aan ahaa xubintii uu soo magacaabay,hadana dad badan oo laga yaabo inaanay iga filayn ama wajigaygu ku cusub yahay ama markii kulmiye dalka qabsaday waxa uu ahaa daad soo rogmaday oo laga filayo waxyaabo badan oo dad badan oo kaadirkii xisbiga ah ayaa filayey inay xilalka sare qabtaan, markaa nin dhalinyaro ah  oo aanay hore u aqoon ama ay is lahaayeen idinka ayaa ka horeeya ama u arkay inuu madaxweynaha ugu dhaw yahay oo uu yahay nin madaxweynaha la shaqaynaya waxa laga yaabaa inaanay ka madhnayn xaasidnimo, aqoon la,aan iyo sidoo kale hubsiimo la,aanta somalida, aduunkana dadka waxa lagu xukumaa qofka aqoontiisa,aragtidiisa,shaqadiisa iyo  taariikhdiisa laakiin hebel ayaa yimid oo waa la maagayaa ama waa la caayaya waxba laguma xukumo, waxaanan arkayey inaan laygu sameeyey  qiimayn aan sax ahayn, waxaanan ku soo duubi karaa dhaleecaynta xilka ayaa wata.

Mudadii aad xilka haysay siyaasiyiinta iyo shacabku waxay kugu dhaliili jireen, inaad la wareegtay awoodo ka mid ah kuwii madaxweynaha, maxaad kaga jawaabaysaa?

Siyaasiyinta dhaliishooda laguma qiimeeyo siyaasiga ee bulshada ayaa lagu qiimeeyaa, siyaasigu waa nin dan leh inkasta oo laga yaabo inaad aragto kuwii shalay I caayey oo maanta I amaanaya, dhaliilahaasna waxaan u arkaa kuwo aan sax ahayn oo aan lahayn qiimaynta aan soo sheegay iyo qof laga yaabo inuu wax ka filayey meesha oo waayey wixii uu filayey.

Xukuumada uu hogaaminayo madaxweyne Siilaanyo ee aad ka midka ahayd, waxa mudo badan lagu dhaliili jiray inay tahay xukuumada kala socota, marka laydin bar bardhigo xukuumadii idinka horaysay, maxaad ka odhan kartaa dhaliilahaas

Waxaan dhaliilahaas u arkaa kuwo aan sax ahayn, dawlad kala socotaa may jirin , madaxweynaha ayaana hogaaminayey wasiiraduna siyaasad ka duwan ta madaxweynaha may lahayn, siyaasada waxa laga qaataa hogaamiyaha wakhtigaas jooga, markaa may jirin dawlad kala socota oo ajande iyo waxyaalo kala gaara leh laakiin waxay dadku  isku qaldaan barnaamijka siyaasadeed iyo afkaarta dadka, dadka siyaasiyiinta ahi afkaar kala duwan ayey yeelanayaan waana waxa dimuqraadiyada loo jideeyey in dadku aragti kala duwan cabiraan, nidaamka iyo dawlada aanu ka midka ahayn muu ahayn mid Digtator ah waxa uu ahaa mid dimuqraadi ah oo dadku afkaar is waydaarsanayaan  oo ay ku kala duwan yihiin, markaa wa laga yaabaa in afkaartaas kala duwan lagu dhaliilo  oo anigu dawladii hore lamaan shaqayn xukuumadana kamaan mid ahayn markaa iskuma bar bardhigi kara, laakiin anigu waxaan leeyahay dawladii aan ka midka ahaa may ahayn dawlad kala socota  waxaanan u arkaa dawlad guulaystay waxaanay guusha ku gaadhay wada socodkii iyo taladii isku duubnayd iyo aragtidii kala duwanayd ee la bislaynayey.

Is Casilaadii aad kaga tagtay xilkii wasaaradda madaxtooyadda, waxa kugu wehelinayey tiro wasiiro ah oo gaadhaya dhawr iyo toban, waxa lagugu eedeeyaa inaad adigu wasiiradaas cadaadis ku saartay inay xilka ka tagaan, maxaad kaga jawaabaysa?

Way dhacday dad meelahaas ka yidhaahda dawlada waa la inqilaabayey oo waa la duubay wasiiradii, waana la magacaabay laakiin ninka awooda ku soo socda iyo ninka ka tagaysa waxba ma inqilaabaan, anigu xilka iskay ayaan uga tagay  markaan is casilayna cid kale oo igu wehelinaysay may jirin ee nin waliba iskii ayuu uga tagay  laakiin waxaanu ahayn saaxiibo dariiq siyaasadeed isku aragti ka ah markii aanu xukuumada ku jirnay; markii aanu is waraysanay nin waliba sidaas aan anigu go,aanka u  qaatay  ayuu yidhi haddii aynu isku aragti nahay ayaan u qaadanayaa laakiin ma jirto wax gaara iyo wax la maleegayo waayo dabadeed ayaad arki lahayd  wax la dhibayo, waxaanay ku  koobnayd inuu nin waliba ku qanci waayo jihadii siyaasada ee ay xukuumadu qaadatay ka dibna uu iskii u baneeyey.

Idinka oo xilkiina haya maydiin muuqatay inaad aragtidiina siyaasadeed ee aad leedihiin ka  dhex hir gelin kartaan xisbiga Kulmiye

Maya, waanan arkaa dad badan oo yidhaahda maxaad uga mid ahaan wayday  oo aad kursiga u fadhiyi wayday oo aad aragtidaada u fulin wayday laakiin madaxweynahaaaga kala mabda ma noqon kartaan markay noqoto jihada siyaasadeed, haddii aad ku  kala duwanaataan aniga oo qiraya inuu dalku dimuqraadi yahay  oo aad la iman karto aragti ta madaxweynaha ka duwan laakiin marka ay soo gaadho xiliyada qaarkood  ma joogi kartid, haddii aad joogtana waxa imanaysa laba midkood inaad baabul khiyaama kula shaqayso oo wax aanad aaminsanayn ku shaqayso  ama inaad shaqad agabto oo aad ka gaabiso oo ay noqoto inaad wax badan ka war wareegto, haddii  aan qaadan lahaa jihada ay u socoto siyaasada madaxweynuhu waxaan subaxaba xubnaha dawlada, saaxiibaday iyo cid kastana waxaan ku jihayn lahaa halka madaxweynuhu u jeedo, suurta galna maaha intaan fikirkii qaato oo aan idhaa waan kugula shaqaynayaa hadana inaan ka bar bar jeexdo ama hoosta ka wado wax kale suurta gal maaha, haday dadka qaarkood ku faanaan baabul khiyaamada anigu kuma faano.

xisbiga Kulmiye sidaad sheegtay waad ka mid ahaan jirtay, madaxweynaha waxaad isku af garan waydeen  cida noqonaysa musharaxa xisbiga Kulmiye, laakiin maxaad ka leedahay khilaaf la sheegay inuu  idin dhaxeeyey gudoomiyaha xisbiga Kulmiye

Ma jiro khilaaf shakhsiya oo noo dhaxeeyey, isagana waad waydiin doontaaye, hore-na saxaafada nalooguma arag anaga oo ka yooyootamayna laakiin waxa noo dhaxeeyey khilaaf aragti siyaasadeed ku salaysnaa, aragtida siyaasadana waanu ku kala duwanayn madaxweynaha ayaaanan kaga duwanaa yaa noqonaya madaxweynaha mustaqbalka,aragtida siyaasadana qof waliba waxa uu leeyahay aragtidiisa gaarka ah, markaa ma jirto wax khilaaf ah oo shakhsiya oo noo dhaxeeyey.

Muuse Biixi Markii loo doortay musharaxa madaxweynaha xisbiga Waxa uu sheegay inuu doonayo oo uu raadinayo xubnaha ka maqan xisbiga, markaa Diyaar maw tihiin in laydin dhex dhexaadiyo

Waxaanu nahay nidaam isbahaysi oo la yidhaa isbahaysiga dimuqraadiyad doonka ah ee Kulmiye mana aha laba qof oo la wada hadashiinayo laakiin  isbahaysigayagu wixii talaabo ah ee uu qaadayo waanu eegi doonaa aniguna kama jawaabayo guddida ayaanu leenahay ay madax ka yihiin sadexdii musharax ee aanu dhisaynay, xubnaha baarlamaanka ee shir gudoonka iyo hogaanka ayaa madax ka ah markaa shakhsi ayaan ka ahay door fiican kaga jira mana go,aamin kara oo ma odhan karo HAA, wada hadal wali maanaan furan ee fikirkayaga ayaanu ku qancinaynaa xisbiga haddii aanu mar labaad ku qancino oo fikirkayagu socdo waa meesheeda haddi ay qafilnaato oo sidii aanu hore u sheegnay noqoto afduub iyo in aanaan fikirkayaga fulin Karin markaas ayaanu ka tashanaynaa laakiin wali waxaanu wadnaa inaanu fikirkayaga ku qancino.

Fikirkiina sidee ayaad ku socodsiinaysaan; xisbigii Kulmiye wuu qabsaday shirweynihii waanu doortay musharaxiintii markaa fikrada aad doonaysaan inaad hir gelisaan mid noocee ah ayey noqon kartaa?

Anagu ma ictiraafsanin doorashada ay is doorteen, anaguna waanu la iman doonaa aragtiyada siyaasadeed  laakiin ma ictiraafsanin ee waxaanu leenahay doorashadaasi sax may ahayn ee miiska ha layskugu yimaado oo halaga wada hadlo sidii loo gali lahaa doorasho sax ah, anaguna waxaanu ku kalsoonahay inaanu xisbiga ku leenahay awood aanu ku socodsiin karno aragtiyada laakiin wixii afduub ah ee yimaada ee loo adeegsado awooda dawlada iyo xisbiga waa wax ka duwan, waxaanu aaminsanahay in xisbiga Kulmiye awood badan yahay  mana ah wax aan ka sheegayo afka ee waa laga arkayey haday yihiin kaadirkii siyaasiga  ah, haday yihiin golihii dhexe iyo taageerayaashiiba aragtidooda iyo wixii ay soo gudbinayeen, waanan eegi doonaa mustaqbalka.

Madaxweynaha Somaliland wuxuu in badan sheegay inaanu taageerin musharax gaar ah, intii aydaan is casilin; madaxweynuhu ma wuxuu si cad idiinku sheegay  inuu musharax gaar ah wato

Madaxweynuhu waanu kala aragti duwanaanay, laakiin wixii aanu isku nidhi maan ku tala galin inaan saxaafada ka idhaahdo

Maxaad u aragtaa inuu ku xidhan yahay xalka Kulmiye?

 Waxaan u arkaa  inuu Kulmiye xalkiisu ku xidhan yahay inuu si dimuqraadi ah  oo dhex dhexaadnimo leh oo qiimayn iyo aragti siyaasiya oo macquul ah leh layskugu yimaado oo lagu doorto hogaamiye qaranka hogaamin kara mustaqbalka dhow, marka lagu heshiiyo hogaanka musharax  ayaan u arkaa in xalka Kulmiye imanayo.

Garabka isbadalka doonka ah ee xisbiga Kulmiye waxa la sheegay inaad kulamo la yeelateen hogaamiyaha xisbiga Ucid  si aad u heshaan musharaxa xisbiga Ucid, kulamadaas maxaa Ka jira

Waxa laga yaabaa dadku way iska waramaan waanan maqlayey shirarkaas laga hadlayey laakiin waxba kama jiraan isbahaysigayaguna wali may qaadan go,aan ay ku qaataan inay xisbi kale galaan, waanan ixtiraamaynaa xisbiyada kale weelalka siyaasadana waxa loo sameeyey in lagu tartamo waana dhici kartaa inay dadku aragtidooda badali karaan  laakiin anagu wali aragtiyadayada wali maanaan badalin Kulmiye ayaanu ka tirsanahay waxaanan isku dayi doonaa inaanu aragtiyada ku qancino haduu af duubnaado oo ay suura gal noqon waydo markaas ayaanu ka tashanaynaa.