War-murtiyeed Laga Soo Saaray Shirweynaha Talo-wadaag Ee Lagu Qabtay Magaalada Salaxley

0
719

Picture3Shirweynaha Talo-wadaag  oo labadii maalmood ee u dambeeyay (27th – 28 August) Beelwaynta Abokor Muuse oo ka mid ah beelaha Ciidagale uga socday degmada Sallaxley, waxa ka qayb-galay 600 oo ergay, kuwaasoo ka kala yimi gobollada Somaliland qaarkood, kilalka Shannaad ee dalka Itoobiya iyo dalalka qurbaha qaarkood, sida Khaliijka Carabta, Yurub, Ameerika iyo meelo kale.

Shirweynaha oo si qoto dheer loogu gorfeeyay danaha Beelwaynta,waxaa ka soo baxay  qodobo iyo go'aamadan hoos ku xusan.

1. In Zakada, Dhaxalka iyo Magaha la waafajiyo shareecada Islaamka

2. Beeshu waxay diyaar u tahay inay xoojiso nabad ku wada noolaanshaha beelaha dariska ah, sidoo kalena ay dhawrto nabadgalyada guud ee dalka.

3. Beeshu waxay isla qaadatay inay samaysato gudi guud oo ka kooban 15 xubnood oo ka shaqeeysa danta guud  iyo horumarka reerka.

4. Beelwaynta Abokor Muuse waxay soo jeedinaysa in shirwaynihii Beelaha Ciidagale (Daa'uud Ismaacill) ee muddo-dhaafay si deg deg ah loo qabto, isla markaa la ixtiraamo sharciyadii lagu heshiiyay, waxaanay beeshu diyaarisay xubnihii  uga qayb-gali lahaa Guddiga Guud ee Ciidagale.

5. Beelwayntu waxa ay diyaar u tahay taageeradii mugga lahayd ee ay la garab taagnayd dhismaha wadada cad.

6. Iyada oo adeegyada aasaasiga ahi ay lagama maarmaan u yihiin nolosha dadka ayaa beeshu waxay xaqiiqsatay inay liitaan, xukuumaduna ka gaabisay adeegyada waxbarashada, caafimaadka iyo biyahay ee deegaanka  beeshu ay dagto sidaa daraadeed waxaanu xukuumada u soo jeedinaynaa inay gudato waajibka ka saaran deegaanka iyo dadkiisa.

7. Beelwayntu iyada oo ka duulaysa muhiimada ay leedahay ilaalinta deegaanku islma markaana dhaqan galinaysa xeerarka u dagsan ilaalinta deegaanka waxay isla qaadatay in la mamnuuco dhamaan wixii wax yeelaynaya deegaanka, sida gumaadka dhirta qoyan.

8. Beelwayntu waxay ku baaqaysaa in la meel mariyo xeerka caasimada oo Baarlamaanka hor yaalay mudo 10 sanadood ah, isla markaana waxay beeshu soo jeedinaysaa in dib-u-eegis mug leh lagu sameeyo habka gobolada loogu qaybiyo kuraasta baarlamaanka.

11. Beeshu waxay madaxwaynaha usoo jeedinaysaa in deegaanka Sallaxley oo ka tirsan gobolka Maroodi-jeex  u qalmo in gobol loo magacaabo.

12. Iyada oo cadaaladda iyo sinaantu ay tahay u dub dhexaadka dawladnimo ayaa beeshu waxay faro madhan ka taagan tahay saamigii ay ku lahayd xukuumada uu gadh wadeenka ka yahay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, sidaa daraadeed beeshu waxay ka tashanaysaa masiirkeeda siyaasadeed ee ku wajahan xukuumada kulmiye.