Midowga Yurub Oo Xidhaya Xafiiskooda Hargeysa, Qodobka Ay Cuskadeen Iyo Saamaynta Uu Xidhitaankiisu Ku Yeelanayo Sumcadda Somaliland

0
579

Picture8Hargeysa(Geeska)-Midowga Yurub ayaa go’aamiyay in la xidho xafiiskii ay ku lahaayeen caasimadda Somaliland ee Hargeysa. Sidaas waxa Geeska Afrika u xaqiijiyay ilo xogogaala oo ku dhow dhow dawladda Somaliland.

Ilahan xogogaalka ahi waxay xaqiijiyeen in Midowga Yurub go’aamiyay in la xidho xafiiskooda Hargeysa, waxaanay ilahani Geeska Afrika u sheegeen in go’aanku toddobaadkan soo baxay. Midowga Yurub waxay fasaxayaan gurigii ay ku jireen iyo dhammaan shaqaalihii kala duwanaa ee xaruntooda Hargeysa marka laga reebo hal qof oo darawal ah iyo hal qof oo qaban doona waxyaabaha deg dega ah ee soo kordha.

Warku wuxuu sheegay in Midowga Yurub xidhitaanka xafiiskooda Hargeysa ay ku saleeyeen hal qodob oo ah dhaqaale yaraan soo waajahday xafiisyada kala duwan ee Midowga Yurub kaas oo ay sheegeen inuu sabab u noqday in xafiiskan la xidho.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay xukuumadda Somaliland, laakiin xukuumadu si rasmi ah ayay u haysaa warkan, waxaana la sheegayaa in si toos ah loogu soo wargeliyay go’aanka Midowga Yurub oo si rasmi ah u dhaqan geli doona laba bilood ka dib.

Dad badan oo siyaasadda iyo xidhiidhka caalamiga ah falanqeeya ayaa aaminsan inay jiraan qodobbo kale oo weheliya labadan qodob ee uu Midowga Yurub u cuskaday xidhitaanka xafiiskooda Hargeysa, waxaanay dadkani xidhitaanka xafiiska Midowga Yurub ee Hargeysa ku xidhiidhinayaan warqad ay xukuumadda Somaliland dhawr bilood ka hor u dirtay xarunta Midowga Yurub ee wadanka Beljamka oo ay Somaliland ku dacwaysay ergayga Midowga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya danjire Michele CervoneDurso oo la ogyahay sidii adkayd ee uu uga horyimid muddo kordhintii ay golaha guurtidu u samaysay Madaxweyne Siilaanyo, taas oo sababtay inuu xumaado xidhiidhka Somaliland iyo sarkaalkan Midowga Yurub u qaabilsan Somaliland.

Si kastaba ha ahaate xidhitaanka xafiiskan Midowga Yurub ee Hargeysa ayaa noqonaya markii u horaysay ee albaabada loo laabo, waxaanu xidhitaankiisu dhaawac siyaasadeed u gaysan doonaa sumcadda Somaliland.