Wasiir Xigeenka Waxbarashada Oo Furey Kulan Ku Saabsan Dib-U-Eegista Iyo Horumarinta Manhajka Cusub Ee Somaliland

0
702

Picture4Hargeysa(Geeska) :-Kulan lagu gorfeynaayey isla mar ahaantaana dib u eegis iyo horumarin lagu samaynaayey manhajka cusub ee loo sameeyey dugsiyada hoose dhaxe iyo sare ee wasaaradda waxbarashada Somaliland, ayaa lagu qabtay hotel Imperial ee magaalada Hargeysa.

Waxaana mashruucan lagu samaynaayey manhajka cusub ee Somaliland maal-galinasay Midawga Yurub (EU), sida oo kalena ay fulinaysay hay’adda waxbarashada Afrika ee AET (African Educational Trust), ayaa kulankan lagu gorfeynaayey, waxaa ka soo qeyb-galay  wasiir xigeenka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland Md., khubaro ka socday wasaaradda iyo hay’adda AET iyo sida oo kale mas’uuliyiin kale oo iyaguna ka socday hay’adda AET.

Qaar ka mid ah khubaraddii halkaas ka hadlay, ayaa kulankan ku tilmaamay mid aad u muhiim ah sida oo kalena waxaa ay faah faahin ka bixiyeen muhiimadda uu leeyahay Manhajka cusub ee loo sameeyey wasaaradda Waxbarashada Somaliland iyaga oo tilmaamay in lagu barbaarinaayo caruurta da’da yar lana doonayo in la isticmaalo.

“Manhajkii aanu mudada qoraynay haddii aan waxyar ka taabto, hawshaas iyada ahi hawl sahlan maaha, waa hawl la doonayo runtii in sida ay tahay looga soo baxo, waa arrin qaran oo weliba la doonayo caruurta la soo barbaarinaayo ee Somaliland, welina aan hawshan oo kale u arag ayaa la doonayaa in wax laga dhaadhiciyo.”.Ayuu yidhi mid ka mid ah khubarada halkaas ka hadlay.

Khubarada soo diyaarisay barnaamijkan Manhajka cusub oo sida oo kale hadalkooda sii wata, ayaa waxaa ay yidhaahdeen.“Manhajka waxaa la doonayaa in uu kolba isla bedbedlo xaaldaha jira iyo dhaliilaha ka soo baxa warbixinahii wasaaradda yaalay ee muddooyinka badan la ururinaayey ama manhajka ha noqoto ama qaabka macalimiinta ee wax loo dhigaayo ha noqoto e’ waxyaabo badan oo caynkaas ah marka la isku geegeeyo, ayaa marka waxaa timaada in manhajkii dib loo eego oo si loo tayeeyo.”.

Wasiir xigeenka wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland Md.Cabdirashiid Ismaaciil Kaahin oo halkaas ka hadlay, ayaa dhankiisa waxaa uu tilmaamay muhiimada uu leeyahay Manhajka cusub, waxaana uu sheegay in Manhajkan la adeegsan doono boqolka sanno ee soo socda.

“Waxaa aynu maanta u taaganahay waa qoritaankii Manhajka, sida ay horeba u sheegeen khubaradu waa waxii hagaayey inanka Somaliland-derka ah boqolka sanno ee soo socda iyo in ka sii badanba, Somaliland-na maanta waa is-dhammays tir waxa aynu ku caano maalnay.”.Ayuu yidhi Cabdirashiid Ismaaciil Kaahin.