Nuxurka Khudbad Obama Ka Jeediyay Xarunta Midowga Afrika

0
748

Picture6Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa safarkiisa Afrika ku soo afjaray khudbad uu shalay ka jeediyay Midowga Africa oo uu qaaradda ku ammaanayo horumarka, isagoo dhinaca kale ka digay in horumarkaasi lagu xajin karo oo kaliya sii wadiska barnaamijyada horumareed iyo dimoqraadiyad loo dhan yahay.

Mr. Obama ayaa noqday madaxweynihii u horreeyey ee Maraykan ah oo isagoo xil haya khudbad ka jeediyay xarunta Midowga Africa ee magaalada Addis Ababa. 

Obama wuxuu hoggaamiyayaasha Africa u sheegay xiisaha gaar ahaaneed ee uu u hayo guul ay qaaraddu gaadho, isagoo yidhi” Waxaan hortiina u taagannahay anigoo ah Maraykan qanacsan, iyo anigoo ah wiil Africaan ah.”

Madaxweyne Obama wuxuu madaxda Afrika ugu baaqay inaanay kuraasida isku dhejin ee ay baneeyaan marka uu wakhtigoodu dhammaado. “Ma fahmayo sababta ay dadku u doonayaan inay kursiga fadhiyaan gaar ahaan marka ay lacag urursadaan.” Ayuu yidhi Obama oo intaas raaciyay “Qofna noloshiisa oo dhan ma ahaanayo madaxweyne. Mararka qaar waxaad maqlaysaa hoggaamiyayaal leh anigaa ah hoggaamiyaha keliya ee dalka isku haya, haddii ay taasi run tahay hoggaamiyayaahi wuxuu ku guuldarasytay inuu si run ah u dhiso qaranka.”

Wuxuu sheegay inuu doorashada Maraykanka haddii uu mar saddexaad ka qayb galayo uu hubo inuu guulaysanayo balse uu ixtiraamayo sharciga wadankiisa oo dhigaya in qofku madaxweyne noqon karo laba goor.

Obama wuxuu ammaanay horumarka ama dadaalka qaaradda ay ka gaadhay cudurka AIDS iyo malaayiinta qof ee African ah ee laga saarayo sabboolnimada, isagoo xusay doorka ay dowladda Maraykanku ku leedahay horumarkan.

Obama wuxuu soo hadal qaaday sharciga fursadda iyo kororka Africa, oo ah sharci looga gol-leeyahay in kor loogu qaado ganacsiga iyo qorshaha diirada lagu saarayo amniga, kordhinta helitaanka korontada iyo in Africa laga taageerro hal abuurka ganacsiga. Madaxweyne Obama wuxuu dhinaca kale ka digay in horumarka qaaraddu uu ku fadhiyo aas-aas jilicsan, iyadoo boqolaal malyuun oo Africa ah ay wali sabool yihiin iyagoon haysan kaabayaasha aas-aasiga ah.

Obama wuxuu sheegay in horumarka Africa uu ku xiran yahay demoqraadiyad, doorashooyin xor iyo xalaa ah, xorriyadda hadalka, saxaafadda iyo golleyaasha.

Obama wuxuu sheegay in horumarka dhinaca dimoqraadiyada ee qaaraddu ay halis ka soo wajahayso hoggaamiyayaal diidaya inay xukunka ka dagaan marka wakhtigoodu dhammaado.

Dhanka kale, Obama wuxuu khudbadiisa kaga hadlay dagaalka ka dhanka ah argagixisada, oo u sheegay inaan lagu guulaysan karin ilaa xukuumadduhu ka hadlaan cabashooynka ay ka faaideystaan kooxaha argagixisadu