Wasiir Cali Xaamud Oo Beeniyay In Khilaaf Ka Dhex Jiro Madaxweynaha Iyo Ku-xigeenkiisa

0
566

Picture4Hargeysa(Geeska) :-Wasiirka xidhiidhka goleyaasha Somaliland Md.Cali Xaamud Jibriil, ayaa si adag u beeniyey in wax khilaaf ahi u dhaxeeyo Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo iyo ku xigeenkiisa Md.Cabdiraxmaan Saylaci oo ay sheegeen xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog iyo Xildhibaan Naasir Cali Shire oo ka tirsan aqalka golaha Wakiilada Somaliland, waxaana uu carabka ku adkeeyey in haba-yaraatee aanu jirin wax khilaaf ah oo ka dhaxeeya, waxaana uu tilmaamay in labada mas’uulba ay si habsami ah u gudanayaan hawlahoodii qaranka.

Md.Cali Xaamud Jibriil, ayaa hadalkan ka sheegay mar uu shalay qaar ka mid ah warbaahinta kula hadlaayey magaalada Hargeysa, waxaana uu sida oo kale uu ugu baaqay xildhibaanadan in ay ka waan toobaan wararka noocan oo kale ah isla mar ahaantaana ay gartaan mas’uuliyaddii ay bulshadu u dooratay. “Maalmahan dad been abuur ah oo aan xaqiiqada ogeyn, ayaa markii ay wax kale oo ay ku meeraystaan waayeen warbaahinta qaar ku faafinayeen, waxaana waxaas waday oo ku jiray laba xildhibaan oo golaha Wakiilada jamhuuriyadda Somaliland ah oo markii ay ka soo degeen madaarka Hargeysa ay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ay ishaystaan. Khilaafkaasi meel Allaale iyo meel uu ka jiray lama garanaayo, waa been aan sal iyo raad toona lahayn oo maanta uu bariga Madaxweynahu maraayo, Laascaanood-na uu tagay oo wadadii Ceerigaabo iyo waxqabad dhaba uu ummada kala hadlaayo.”.Ayuu yidhi Md.Cali Xaamud Jibriil.

Wasiirka wasaaradda xidhiidhka goleyaasha Md.Cali Xaamud Jibriil oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxaa uu yidhi: “Madaxweyne ku xigeenkiisuna waa uu shaqaynayaa oo waad ka warqabtaan saxaafadda hadalkiisii uu ku hadlaayeen, waxaana aan leenahay in aad ka waan towdaan oo markii aad ummada wax aad u sheegtaan weydeen oo tidhaahdaan xukuumadda ayaa ishaysata, madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ayaa ishaysta, waxaan leeyahay sal iyo raad toona warkaasi ma laha, dadkii idin doortay waxaas idiin may dooran ee waxii xaqa ahaa ee la idiin doortay ka turjuma.”.