“Muddo Kordhintu Waa Go’aan Guurti, Oo Sharci Qaran, Waxbana Laga Noqon Maayo”

0
557

Picture4Hargeysa(Geeska):-Guddoomiyaha aqalka golaha Guurtida Somaliland Md.Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay khilaaf ka dhashay muddo kordhintii ay Guurtidu u samaysay xukuumada Siilaayo iyo aqalka golaha Wakiilada Somaliland, waxaana uu sheegay in go’aankaasi uu ahaan go’aan sharci oo ka soo baxay gole Baarlamaan, isaga oo sida oo kalena carabka ku dhuftay in aan laga noqon doonin go’aankaas uu golahoodu soo saaray.

Md.Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa hadalkan ka sheegay ka dib kulan uu la qaatay safiirka Ingiriiska u fadhiya dalka Itoobiya oo uu qaar ka mid ah warbaahinta kula hadlay afaafka hore ee aqalka golaha Guurtida Somaliland.

“Guurtida cidna ka caban mayso, guurtiduna go’aan way gaadhay. Iska dhaaf ka noqoshadaas iyo waxaas oo Guurtidu go’aanna waa gaadhay, shuruucda dalkana waa ka mid, wax walbana waan kala hadalnay, haddaad doonaysaan in wax iga soo duulaana waxba iga soo duuli maayaa.Go’aankaasi muddo kordhintu waa go’aan guurti,waa go’aan Baarlamaan oo waa sharci qaran, waxbana laga noqon mayo.”.Ayuu yidhi Gudoomiye Saleebaan.