Xukuumadda Oo Wareegto Ku Soo aSaartay In Ganacsatadu Isticmaasho Lacagta Somaliland

0
522

Picture4Hargeysa(Geeska)-Xukuumadda Somaliland ayaa shalay soo saartay wareegto ay ku hirgelisay qaadashada lacagta Somaliland Shilling.

Wasiirka ganacsiga Somaliland Dr. Muuse Qaasim ayaa wareegtada uu soo saaray wuxuu ku yidhi sidan, “Aniga oo tixraacaya shuruucda dalka sida dastuurka JSL, Xeerka Baanka, iyo xeerarka Ganacsiga iyo Maaliyada ee ku salaysan  in Sh. SL uu yahay lacagta rasmiga ah ee dalkan JSL, iyada oo la eegayo dhibaatada uu ku hayo isticaalka tooska ah ee dollarku dhaqaalaha dalka, sarifka lacagta iyo sicir bararka, iyada oo laga duulayo go’aamadii ka soo baxay kulamadii laga yeeshay arrimahaas ee ay isugu yimaadeen Wasaaradaha Ganacsiga, Maaliyada, Arrimaha gudaha, Rugta Bulshada, waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa wareegtadan.

Wasaarada Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah waxay ku wargalinaysaa dhammaan Ganacsatada iyo Goobaha gaarka loo leeyahay ee adeegyada Waxbarashada, Caafimaadka, Biyaha, Isgaadhsiinta, Korontada, Huteelada Cuntada, Hurdada, Warshadaha iyo cid kasta oo samaysa adeeg ganacsi. In cid kasta oo samaysa adeeg ganacsi ay u isticmaasho Shilinka SL lacagta ay qaadanayso iyo lacagta ay bixinayso labada.

·        In cid asta oo sidaa ugu dhaqmi wayda wareegtadan laga qaadi doono talaabo sharciga waafaqsan.”