Maareeyaha Samofalka Madaxtooyada Oo Soo Dhawaysay Wada Hadalka Madaxweynuhu Fidiyay

0
483

Picture5Hargeysa(Geeska):-Maareeyaha xafiiska samafalka madaxtooyada Somaliland Marwo:Aamina Maxamuud Diiriye, ayaa soo dhaweysay go’gashii madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo uu u fidiyey axsaabta mucaaradka si xal looga gaadho khilaaf muddooyinkii danbe ka dhashay muddo kordhin ay golaha Guurtidu u sameeyeen xukuumada iyo aqalka golaha Wakiilada Somaliland, waxaa kale oo guud ahaan shacbiga reer Somaliland gudo iyo debadba ay ugu hambalyeysay sidii qiimaha badnayd ee ay u xuseen sanad guuradii 24aad ee ka soo wareegtay maalintii dib ula soo noqoshada madax-banaanida Somaliland ee xuska 18ka May.

Marwo:Aamin Maxamuud Diiriye, ayaa hadalkan ka sheegtay mar ay shalay qaar ka mid ah warbaahinta kula hadlaysay xafiiskeeda, waxaana sida oo kale ay soo dhaweysay khudbadii madaxweyne Siilaanyo uu maalintii xuska 18ka May u jeediyey shacbiga reer Somaliland iyada oo tilmaantay in ay ahayd khudbad aad u qiimo badan oo taabanaysay guud ahaan marxaladii ay soo martay dawlada Somaliland.

"Waxaan xisbiyada mucaaradka ku hambalyeynayaa in ay gogashii uu madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo u fidiyey ay aqbaleen, aad iyo aad ayey ugu mahadsan yihiin taasina waxaa ay ka turjumaysaa in aynu wax wada qabsi leenahay, waayo marka la yidhaahdo mucaarad iyo muxaafad wax weyn ayaa innaga wada dhaxeeya oo kana weyn waxa aynu ku kala qayb sanahay amma aynu kala leenahay, waxa aynu kala leenahayna waa marka ay xisbiyada iyo doorashadu timaado oo mid waliba uu doonayo in uu guushiisa qaato amba tartanka uu ku guulaysto, laakiin waxa aynaan ku kala tagayn waa calanka tawxiidka leh ee qaranimada 18ka May aynu sida weyn u wada wadaagnay ee nabad galyada dalkeena, taas weyn ayaa innaga dhaxaysa, waana aanu u ogal nahay in ay nala tartamaan, waanu u ogal nahay waxii ay xaq u leeyihiin, madaxweynaheenu maaha madaxweyne muddo kordhinta jecel, madaxweyne maaha kursi jecel haddii uu kursi jecel yahay 80 cod cid kaga tagaysaa may jirin oo markaanu taageerayaasha xisbiga Kulmiye ahayn ee aan madaxweynaha ku qabsanaynay madaxweyne kagama tagayno sideetan cod laakiin isagu uu naga dalbaday oo uu yidhi dalka waan u soo halgamay oo mar Labaad dalka caruurta ilkaha lagu qaadan maayo oo waxaan jecelahay in ay taageerayaashaydu iga aqbalaan Lexla jeclada ay aan dalka ka qabo aynu ku sii dayno 80kaa cod muddo kordhin fara badana uu yahay madaxweynahu madaxweynahii ogalaaday, marka madaxweynahu maaha madaxweyne muddo kordhin jecel, waa madaxweyne doonaya in uu qarankan meel gaadhsiiyo, waxaana tusaale idiin ah waxqabadka xukuumada oo wadadaa Ceerigaabo illaa xukuumadihii ka horeeyey cid ku dhacda ayaa la waayey, waxaan uu noqday madaxweynahii ugu horeeyey ee bineeyey iskuna biimeeyey kuna dhacay wadadaas Ceerigaabo oo maantana ay u hirgashay maanta ayaan u hambalyeynaynaa.".Ayey tidhi Marwo:Aamin Maxamuud Diiriye.

Maareeyaha xafiiska samafalka madaxtooyada Marwo:Aamina Maxamuud Diiriye, ayaa shacbiga reer Somaliland ku ammaantay qaabka ay u illaaliyaan nabad-galyada wadankooda iyada oo sida oo kalena qurbe-joogta ku ammaantay halganka ay ugu jiraan sidii qaranka Somaliland uu beesha caalamka ugu heli lahaa Ictiraaf buuxa.

"Waxaan kale oo aan u hambalyeynayaa dhammaanba shacabka reer Somaliland meel kasta oo ay joogaanba maalintii 18ka May sidii qiimaha lahayd ee ay dadku isagu soo baxeen oo habeenkaas waxaa muuqatay in aan la seexan, waayo waxaad arkaysay in shantii arroornimo ay dhammaanba waddooyinku xidhnaayeen oo dadku meel ay kala maraan waayeen iyada oo baabuurtii la joojiyey oo loo joojiyey awgeed si ay dadku u maraan shacabka Somaliland gudo iyo debadba aad ayey u mahadsan yihiin, kuwa dibaduna aad ayey u dedaalayaan halkoodii ayey ka halgamayaan Ictiraaf raadinta ayey qurbe joogu ka halgamayaan, qurba-jooguna sidii qiimaha lahayd ee ay u soo dhaweeyeen 18ka May ee ay u xuseen mar walbana diyaarka ugu yihiin aad ayaan ugu hambalyeynayaa.".Ayey tidhi Aamin Maxamuud Diiriye.

Aamin Maxamuud Diiriye oo ka hadlaysa khudbadii madaxweyne Siilaanyo uu u jeediyey shacbiga Somaliland, waxaa hadalkeedii ka mid ahaa."Waxaan kale oo aan halkan mahad-naq aad u weyn aan uga dirayaa madaxweynaha Somaliland khudbadiisii qiimaha lahayd ee uu ka jeediyey xuskii 18ka May, khudbadaas oo ahayd mid aad iyo aad u qiimo badnayd dhinacyo badana taabanaysay kuna dheehnayd lexlo jeclo badan oo uu madaxweynahu dadkiisa iyo dalkiisa ka leeyahay,khudbadaasi waxaa ay ahayd mid taariikhi ah oo ku taxnayd dhiigii loo soo qubay, umaddii faraha badnayd iyo geesiyaashii naftooda u soo huray ka turjumaysa ayey ahayd. Madaxweynahu waxaa uu khudbadiisa ku daray lexla jeclada uu hore iyo hadaba uga lahaa dalka Somaliland, khudbadaas oo runtii cidii dhagaysatayba aad iyo aad u soo jiidatay madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland aad iyo aad ayaan ugu hambalyeynayaa.".

Maareeyaha xafiiska samafalka madaxtooyada Somaliland Marwo: Aamina Maxamuud Diiriye, waxaa ay ugu danbeyntii wax laga xumaado ay ku tilmaantay qaar ka mid ah warbaahinta oo dhaleecaynayey Marwada madaxweynaha Somaliland, waxaana ay ceeb ku tilmaantay in la aflagaadeeyo marwada madaxweynaha oo ay tilmaantay qiimaha iyo kaalinta ay ku leedahay qaranka Somaliland.

"Runtii waxaa aynu ahayn waligeenba dad xeeriya milgaha iyo sharafta madaxdooda, waxaan halkan leeyahay runtii maaha in qoyska madaxweynaha la dhaleeceeyo, qoyska madaxweynahu waxaa ay xaq ku leeyihiin oo xaq dheeraad ah waliba ku leeyihiin qaranka Somaliland, marka maaha in qoyska madaxweynaha had iyo jeer afka lagu dhufto waa ceeb waa dhaleecayn waa wax aynaan Somaliland ahaan dhaqan u lahayn in marwada Koowaad ee jamhuuriyada Somaliland la aflagaadeeyo oo ay waliba raga qaarkood afka ku dhuftaan amma ay warbaahinta qaarkeed ay qorto, runtii arrintaasi aad iyo aad ayey u xun tahay ribaduna if iyo aakhiraba ma wanaagsana oo qofku wax aanu ahayn aad iskaga tilmaanto, marwadu waa marwo qaran waa marwadii halganka qayb laxaadleh iyaduna madaxweynaha kala qaadatay, waa marwo mutacalimad ah, waa marwo sharaf iyo karaamaba innaga mudan, marka ma mudna in la aflagaadeeyo.".Ayey tidhi Aamin Maxamuud Diiriye.