Wasiirka Khaarajiga Oo Beeniyay Inay Xukuumadu Saddex Hay’adood Wadanka Ka Saarayso

0
555

Picture6Hargeysa(Geeska)-Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis, ayaa beeniyay in xukuumadda Somaliland dalka ka saarayso qaar ka mid ah hay’adaha wadanka jooga, hadalkan oo uu hore u sheegay la taliyaha madaxweynaha ee hay’adaha caalamiga ah Mr. Cabdifataax Siciid Axmed.

Mr. Cabdifataax,  oo u waramay laanta Afka Somaliga ee VOA, ayaa sheegay inay wadanka ka saarayaan saddex hay’adood oo aanu magacaabin kuwaas oo uu sheegay inay dhex galeen arrimaha siyaasadda Somaliland.  “Saddex Hay’adood baana hadda aanu Diiradda ku Haynaa, xukuumadduna Go’aan baanu isla qaadanay in Hay’adaha arrin degdeg ah laga qaato, maadaama ay Fawdo iyo qas aan loogu gelin ay galeen markii horena ay dalka ku yimaaddeen inay mucaawimo dadkeena siinayaan, laakiin ay isku beddeleen Hay’ado siyaasadeed.”  Ayuu yidhi la taliyaha madaxweynaha ee arrimaha hay’adaha.

Hase yeeshee Wasiirka khaarajiga Md. Maxamed Biixi Yoonis, oo shalay u waramay weriye Xamse Cali Bulbul oo ka tirsan telefishanka Star TV, ayaa hadalkaas beeniyay.  “Wax hay’ado ah oo la eryay ma jirto, hay’ado aanu eryayno wakhtigan xaadirka ahina ma jiraan, markaas waxaan filayaa warkaasi inaanu jirin ee uu yahay ku tidhi ku teen.” Ayuu yidhi Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland.

Dad badan ayaa la yaabay hadalka ka soo yeedhay la taliyaha Madaxweynaha oo isagoo aan wadanka joogin kuna sugan dalka Kuwayt waraysiga bixiyay.