Wada Hadalkii Xukuumadda Iyo Mucaaradka Oo La Filayo Inuu Maanta Furmo, Magacyada 12-ka Xubnood Ee Ka Qayb Galaya Iyo Wufuudii Beesha Caalamka Oo Baaqatay

0
551

Picture7Hargeysa(Geeska)-Wada hadalkii u dhexeeyay xukuumadda iyo xisbiyada mucaaradka ee Waddani iyo UCID ayaa la filayaa inuu maanta ka furmo magaalada Hargeysa, kaas oo ay hore ugu dhawaaqday xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.

Wada hadalkan oo lagaga tashanayo muddo kordhinta sannad iyo tobanka bilood ah ee ay golaha guurtidu u sameeyeen Madaxweyne Siilaanyo, ku xigeenkiisa iyo golaha wakiilada oo abuurtay tafaraaruq iyo muran siyaasadeed. Waxaana kulanka maanta furmaya hore ugu baaqay madaxweyne-xigeenka Md. Saylici.

Sida ay xoguhu sheegeen waxa kulanka ka qayb galaya 12 xubnood oo ay xisbi kasta ka socdaan afar xubnood. Afarta xubnood ee xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE matalaya ayaa kala ah guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, guddomiye xigeenka golaha wakiilada Baashe Maxamed Faarax, guddoomiye-xigeenka KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed iyo wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Warancade. Xisbiga UCID waxa la filayaa inay uga qayb galaan guddoomiyaha Faysal Cali Waraabe, murashaxa madaxweyne-xigeen Cabdirashiid Xasan Mataan, guddoomiye-xigeenka 3aad Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Gurey) iyo ku simaha xoghayaha guud Naasir Yuusuf Cismaan.

Xisbiga Waddani waxa la filayaa inay uga qayb galaan guddoomiyaha Cabdiraxmaan Cirro, ku xigeenkiisa Axmed Muumin Seed, xoghayaha guud Maxamed Uurcade iyo Xildhibaan Ibrahim Mahdi Buubaa.

Geesta kale, waxaan iyaguna shirka goob joog ka noqonayn diblomaasiyiinta wadamada beesha caalamka ee taageera dimuqraadiyadda Somaliland, kuwaas oo hore ay u qorshaysnayd inay maanta wadanka yimaadaan. Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa Axadii toddobaadkan diblomaasiyiintaas u dirtay dhambaal ay ugu sheegtay inay ka war sugaan natiijada kulankooda iyo sida ay xukuumadda iyo mucaaradku u xaliyaan khilaafka siyaasadeed ee dalka ka abuurmay.

Dadka siyaasadda lafo-gura ayaa saadaalinaya inay adagtahay inay natiijo deg deg ah oo togani ka soo baxdo kulanka maanta furmaya, marka laga tusaale qaato aragtiyaha kala fog ee ay labada dhinac ka kala taaganyihiin muddo kordhinta ay guurtidu samaysay oo ay mucaaradku ku talinayaan in gebi ahaanba la laalo, halka ay xukuumadu aaminsantahay inay tahay distoori aan la taaban karin.